Roberto Mancini Oo Weli Ku Adkeysanaya In Tartanka Horyaalka Dhamaaday Inkastoo Ay Tumeen Man United.

Roberto Mancini Oo Weli Ku Adkeysanaya In Tartanka Horyaalka Dhamaaday Inkastoo Ay Tumeen Man United.

daajis.com:-Tababaraha Manchester City Roberto Mancini ayaa meesha ka saaray suurtogalnimo kasta oo ay kooxdiisa ku qaadi karto Premier League xilli ciyaareedkan ka dib markii ay 2-1 ku qaarjiyeen xalayto kooxda Manchester United.

Mancini ayaa hore u qirtay in tartanka horyaalka dhamaaday ka dib 15 dhibcood laga sarre maray, laakiin guul ay u qalmeen oo ay gaareen xalayto ma aysan bedelin niyadiisa inkastoo 12 dhibcood laga sareeyo horyaalkana ay ka harsan tahay 7 kulan.

Mar la weydiiyay hadii natiijada ciyaarta ay saameeyn ku yeelan karto kalsoonida United ee 7da kulan ee u hartay, Mancini ayaa ku jawaabay: “United? Maya. Tartanka horyaalka waa dhamaaday. Laakiin waan u qalanay inaan badino sababtoo ah si fiican iyaga ayaan u ciyaarnay, waxaan ciyaarnay kubad fiican, ma aanan qaadanin wax riski ah.”
Mancini ayaa dareensan in guushii ay ka gaareen deriskooda inay cadeyneyso inay awoodaan inay horyaalka u tartamaan mar kale xilli ciyaareedka soo socda.
“Waxaan u baahanahay inaan sidaan oo kale u ciyaarno xilli ciyaareedka soo socda. Waxaan heysanaa labo ama seddex bilood oo aan si fiican u shaqeyn karno. Waxaan qabaa inaan soo bandhignay inaanan 15 dhibcood la inagala sareyn karin.
“Laakiin waxaan dhihi karnaa United waxa ay badisay kulamo badan. Kulankii ugu danbeysay ee laga badiyo waqti hore ayay aheyd Norwich ayaana ka badiyo, waana u qalmaan inay horyaalka ku guuleystaan.”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada