Gabar Baadiye Ka Timid oo shaah kari inta la dhahay taariikh dhigtay!!!

Gabar Baadiye Ka Timid oo shaah kari inta la dhahay taariikh dhigtay!!!

daajis.com:-Sheekadaan waxay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya waxaana gabar ka timid baadiyaha Somaliya waxaana ay ahayd maalin maalmaha kamid ah in gabadha lagu yiri shaah soo kari.

Gabadhii waxay jalmada (Kirliga) ay biyo kusaartay burjikadii waxayna kadib markii uu karay ku dhubtay Sonkor badan laakiin iyada ayaa sonkor afka kushubatay (Sonkortii ayey qariiday ama sonkortii ayey cuntay wax yar oo ka mid ah).

Shaahii ayey gabadhii dhadhamisaa oo waxay la noqotaa inuusan shaaha lahayn sonkor ileen iyada ayaa afkeeda macaan ku dambeeyaaye.

In yar kadiba waxay ku dartaa xoogaa Sonkor ah si ay isku tiraahdo macaan ha noqdo shaaha dhinaca kalena sonkortii ayey qariideysaa talada ugu dambeysa waxay noqotay inay shaahii soo dajiso.

Darmuus ayey ku shubtay waxayna ukeentay reerkii ay la joogtay iyo marti galabtaasi utimid laakiin shaah qayilaad xitaa waa ka macaan yahay gabadha shaaha ay soo karisay.

Dadkii dhan ayaa hal mar ku qeyliyey macaan badanaa shaahan markaasi baa loo yeeray gabadhii shaaha karisay oo lagu yiri dhadhami shaaha aad noo keentay markii ay wax yar cabtay bay ku jawaabtay xoogaa sonkorta ayaan ku yareeyey.

Dadkii ayaa mar kale yiri war ma waalan tahay gabadhaan naa inaguna shaaha Sonkorta oo ku badan ayaan la cabi la’nahay adna sonkorta ayaa ku yar baad na leedahay tani waa jiran tahay ayey dhamaan martidii iyo dadkii shaaha loo wada shubayba wada yiraahdeen mise Jaceyl magaalo ayaa la kowsaday gabadha


Maxaa kaga baxay sheekadan?








_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada