Ma Doonaysaa Inaad Qof Dumar Ah Kalsooni Ku Beerto? Furayaashaan Adeegso

Ma Doonaysaa Inaad Qof Dumar Ah Kalsooni Ku Beerto? Furayaashaan Adeegso

daajis.com:-Xaaskaaga Raac talaabooyinkan si aad Kor ugu qaado kalsooniga xaaskaagu kugu qabto marka aad ka timaado shaqada ama safar aad ku maqnayd waxa kula gudboon in aa haddiyad haba yaraatee u keento hadii aad wax kale awoodi waydo u keen hadiyo fudud sida ubax, baarafuuniyo wixii la halmaala.

Xaaskaaga ugu yeer magacba magaca uu ka wacan yahay, arintaasina waxay wax wayn ka tartaa kasoonida iyo niyad wanaaga xaaskaaga.

Ha noqon kaligii taliye ka dhigo xaaskaaga la taliye sare oo go’aanka kula qaadata dareensii in uu idinka dhexeeyo talo wadaag iyo wax isku sheeg. Sidoo kale aamin fikradeeda una mahad celi markasta oo ay kuu soo bandhigto fikrad lagu hurumari karo.

U ogolow in xaaskaagu kuu raacdo meelaha dalxiiska iyo tamashlaynta maalmaaha ciidaha, fasaxyada iyo hadii ay suurtogal tahayjimceyaashaba.

kala tasho arimaha guriga gaar ahaana waxyaabaha aasaasiga ah ee looga baahanyahay guriga gudihiisa waxa laga yaabaa in ruuxa dumarka ahi ay ka xishooto in ay ku waydiiso qaybo kamid ah baahiya gaarka ah ee guriga si aad taag uga hortagto isku day in aad waxa ka ogaato waxa gurigu ubaahanyahay ee laga yaabo in ay xaaskaagu kaala gabanayso.

Hakala bakhaylin xaaska dhoola cadayn, mahadcelin, Iyo in aad caawiso xilligi shaqada guriga ay ku guda jirto.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada