Gabar sagaal jir ah oo la dagaalamayso yaxaas iyadoo gacmo maran. + video

Gabar sagaal jir ah oo la dagaalamayso yaxaas iyadoo gacmo maran. + video


Samantha1Samantha Young waa sagaal jir baratay sida loola legdamo ama loola dagaalamo Yaxaaska iyadoo aanan isticmaalaynin wax hub ah oo ay saga difaacayso, gabadhaan sagaal jirka ah oo hooyadeed iyo aabaheed Jay iyo Erin kula nool Xarun ay ku xanaaneeyaan Yaxaasyo badan oo ku taallo Colorado ayaa sheegtay in aysan ka cabsanaynin Xayaawanada ay ku dhex jirto.

Samantha oo ka mid ah qoys yar oo 350 yaxaas kula nool beer ay ku leeyihiin Colorado ayaa sheegtay in xoogaa cabsi ah ay dareemi jirtay markii ay baranaysay balse hada ay ka mid tahay nolosheeda xanaanada iyo la dhaqmida xayawaanada oo dhab ahaantii ah kuwa halis ku ah nolosha bani Aadanka.

Waxaana ay ka muuqataa video ga aad hoos ku arkaysaa iyadoo kor kaga fadhisa yaxaas misana la hadlayso wariyaha barnaamijka ka sameeyay wax cabsi iyo dareenkeeda ahna uusan ka muuqan.



Qoyskaan oo 1987 dii bilaaway in ay soo uruuruyaan yaxaaska ayaa hada iyaga iyo gabadhooda yar ee Samantha, ayaa hada bulshada degaanka Colorada bara sida loola legdamo yaxaaska iyadoo wax hub ah aanan la adeegsanaynin, iyagoo 70 doolar ka qaada qofkii doonaya in uu barto.


Xayawaanadaan oo afka ingiriiska loogu yeero Alligator waa nooc ka mid ah yaxaaska oo waxba aanan ka duwaneyn balse laga yaabo in  si toos ah aanan loogu yeerin Yaxaas ama loogu garan.





_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada