Tuug Miinshaar wato oo Shacabka Faransiiska ka yaabsaday markii uu xaday kuna goostay Miinshaartii (Daawo Muuqaal ahaan yaabkaan +Warbixin)

Tuug Miinshaar wato oo Shacabka Faransiiska ka yaabsaday markii uu xaday kuna goostay Miinshaartii (Daawo Muuqaal ahaan yaabkaan +Warbixin)


Goob Qaaraami ah oo loo dalxiis tago kuna taala magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska ayaa waxaa ka dhacday qiso lagu sheegay tii ugu hadal heeynta badneed gudaha dalka Farasiiska. 


Carwo lagu magacaabo (Nationalen Naturkunde-Museum) laguna xanaaneeyo Lafaha Xayawaanaadka oo inta badan ay u soo dalxiis tagaan dadka reer Yurub ayaa waxaa goobtii ku soo dhex dhuuntay nin lagu sheegay 20 jir kaas oo watay Miinshaar af badan wuxuuna ninkaas si yaab ah Miinshaartii ugu goostay mid ka mid ah ilkaha ama Ganaha Maroodiga oo dalalka Yurub qaali ah.

Ninkaan oo laga daawaday Kaamero qarsoon oo ku taalay gudaha Xafiis ku yiilay halkaas ayaa waxaa banaanka markii uu u soo baxay gacanta ku dhigay ciidamada Booliiska oo horay loo war galiyay.

Lafaha yaala Carwadaan ama Tiyaatarkaan ayaa lagu sheegay kuwo qaali ah waliba in mudo ah yaalay halkaas waxaana sanad kasta ka soo xaroota Lacag aad u fara badan sida uu sheegay Masuul u hadlay Carwadaan oo lagu magacaabo Mr. Jacques Cuisin. 

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada