Gudoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaaliya Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka bad baaday isku day dil

Gudoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaaliya Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka bad baaday isku day dil

daajis.com:-Gudoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaaliyed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka bad baaday isku day dil, kadib markii gaarigiisa loogu xiray waxyaabaha qarxa.

Qaraxa ayaa loogu xiray kursi uu fariisto, hase ahaatee ma aanu fariisan Sheekha, waxaana gaariga oo marayay gudaha degmada Hodan mar kaliya uu dhacay dhawaaqa qaraxa, kaasoo gebi ahaanba bur buriyay muraayadihii iyo kursiga.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah Afhayeenka Culimada Soomaaliya ayaa ku eedeeyay qaraxaas inay ka dambeeyaan Al-Shabaab, isla markaana ay baneysteen dhiiga dadka Muslimiinta.
“Qof walba maalintiisa ayuu dhimanayaa, nimankaas khawaarijta waxay baneysteen dhiiga Muslimiinta, Diinta ayay ka baxeen”ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.
Sheekh Nuur Baaruud ayaa tilmaamay in aanu waxba soo gaarin Sheekh Bashiir, hase ahaatee ay jiraan fan faniino yar yar, waxaana uu cadeeyay inuu caafimaad qabo.
Waxaa uu ku baaqay in la soo dedejiyo shirka loogu baaqay Culimada Soomaaliya oo ay kaga arinsanayaan sidii meel looga soo wada jeesan lahaayeen.
“Waxaan aamisanahay in musiibo aan aheyn Shabaab in aysan jirin, waa in meel looga soo wada jeestaa”ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa aad u naqdin jiray ficilada Shabaabka geystaan, isla markaana aysan aheyn kuwo Diinta Islaamka ku dhaqmaya, dhiiga dadka Muslimiinta baneysanaya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada