Guurdoon Ma Tahay? Gal Halkaan

Guurdoon Ma Tahay? Gal Halkaan

daajis.com:-Waxaa jirta in dhamaan dadku ay leeyihiin qaab ay ku doortaan gayaankooda, isla markaasna uu qof kasta doonistiisu tahay mid uu ku qanacsan yahay, laakiin waxaa jirta dhibaato xaga doorashada ah.

Waxaana arintaas loo aanayn karaa, iyadoo ay dhuntay miisaanadii wax lagu qiimeyn jiray, isla makaasna aan garab marnay sidii nabigeenu NNKH ina amray inaan u guurino ama u guursano,taas oo ahayd in lagu doorto akhlaaqda iyo diinta, XADIITH “hadii uu idiin yimaado qof aad diinta iyo akhlaaqdiisa ku raali noqotaan uguuriya”.

Waxaan shaki ku jirin in hadii aad ku guulaysato doorashada gayaan sax ah, ama aad hesho qofkii aad rabtay, kaas oo aad isku fahansan tihiin nolosha, inaad ku guulaysan karto guurka, hadii aad ku fashilanto raadinta gayaanka, oo aad ka kordhacdo mid aadan ku qanacsanayn, waxaad bilowday nolol fashil ka danbeyn karo, inkastoo ay arintaas Allah u taalo.


Sidee ugu guuleysan kartaa guurdoonka??

Waa su’aal u baahan fakar iyo qiimeyn, waxaa maskaxdaada ka guuxaya guur, waxaana wada shaqeynaya indhahaaga iyo maskadaada, si aad u hesho midda aad habeen walba ku riyooto, taas oo aadan weli la kulmin.

Maadaama uu yahay guurku masuuliyad wada saaran labada isdooranaysa, waxaa muhiim ah in aad looga taxadaro qaabka doonista, iyo sifooyinka uu leeyahay lamaanaha aad doonayso, waxaa kale oo la ogaaday in mashaakilka dhexmara labada isqaba ay badankood ka soo jeedaan khaladaad dhacay waqtigii doonitaanka, iyo arimo la sahladay markii uu qalbiga ka xoogbadnaa jacaylku, iyadoo qof walba uu filayay in hadii la isguursado ay wax walba sahlanaan doonaan, taas oo ah arin aan suurtogal ahayn.

Hadaba waxaan muhiim ah inaan si aad ah uga taxadarno doonista gayaanka, raacnana sida uu na faray nabigeenu NNKH, taas oo ah in la isku doorto diinta iyo akhlaaqda,taas ayaana noo damaanad qaadaysa inaan ku guuleysano guurka.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada