JUSTIN BIEBER OO XALAY KA TUMAY SHOW MUDO LA SUGAAYEY NETHERLAND + VIDEO

JUSTIN BIEBER OO XALAY KA TUMAY SHOW MUDO LA SUGAAYEY NETHERLAND + VIDEO

daajis.com:-Kumanaan taageeroyaal ah ayaa isugu soo baxay banaanka hore ee The Geldrome ee magaalada Arnhem ee wadanka Holland oo uu showga ku qabanaayey fanaanka saacado ka hor inta aanu showgu bilaaban iyagoo sita boorar halku dhigyo lagu taageeraayo fanaanka ay ku qoran yihiin,iyadoo taageerayaasha qaarkood ay wejiga ku soo qorteen magaca fanaanka

Taageerayaalkan Hollandeska ah ayaa mudo labo sano ah sugaayey showgaan, waxaana la qiyaasay in taageeroyaal gaaraaya 32.000 ay ka soo qeybgaleen showgaasi, waxaana la sheegay in ay u badan yihiin gabdho taageerayaasha xidigaan Canadianka ah, iyadoo taageerayaalka qaarkoodna ay ka kala yimaadeen Belgium, France iyo Germany.

Maalintii jimcaha ayaa la sheegay in sidoo kale ay taageerayaasha Justin Bieber isugu soo baxeen Hotel Conservatory ee magaalada Amsterdam halkaas oo ay fanaanka ku arkeen xilli uu roob ka da'aayey. Justin Bieber waxaa la sheegay inuu booqday Madxafka Anna Frank ee magaalada Amsterdam.

Showga magaalada Arnhem kadib ayaa la sheegay in Justin Bieber uu ku sii jeedo dalka Norway,isagoo sidoo kale 22ka April oo sidoo kale show ku qaban doono dalka Sweden.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada