Waxaan Ku Fikiraa In Aan Is Dilo : Qiso Caloosha Kaa Soo Rideysa Oo Gabar Somaliyed Ka Qabstay Internet-ka .

Waxaan Ku Fikiraa In Aan Is Dilo : Qiso Caloosha Kaa Soo Rideysa Oo Gabar Somaliyed Ka Qabstay Internet-ka .

daajis.com:-Fadeexaddii internet ka: iyo sirta dumarka kala warla’ Waa sheeko musiibo ah Gabari ay oga sheekaynayso saaxibaddeed……….Wallaahi waa Yaabka yaabkiisa Musiibo tii u waynayd dheh ..

Assalaamu calaykum saaxiibadayda sharafta laheey waan ku salaamay salaan ka dib Marna ma rumaysanaysid waxa igu dhacay iyo waxaan dhib naftayda u soo jiiday, aduunkan waxa iigu wayn oon doonayo maanta waa danbi dhaaf ilaaah iyo INAAN DHINTO INTAANAN ANIGU NAFTAYDA DILIN. Ma garanyo waxaan naftayda ku sameeyo quusashadaan ka dib.

Maalin ima soo maro illaa waan ooyaa illaa aan gaaro inaan wax arki waayo. Maalin walba waxaan ku fakaraa inaan is daldalo, noloshaydu wax qiimo ah iima laha.

Saacad walba waxaan tamanniyaa dhimasho Shallaaytaydee ma dhasheenaa, shallytadaydee la ima abuureenaa!!!!! maxaan sameeyaa wareer baan ku sugnahaye wax walboo agtayda ah waxay soo baxeen waxaan mibna lahayn dhadhanna lahayn.

Labadaydan gacmood ayaan ceeb ugu soo jiiday naftaayda iyo qoyskayga. Waxaan ceebeeyey ninkayga iyo caruurtayda waxaan dumiyay gurigayga. Wax walba waan ood i tiraahdaan waan xaqsadaa. Magac walboo xun iyo tilmaam walboo xun ood igu tilmaamtaan waan istaahilaa, nacas dabaal caqlilaaw, hawa raac iyo iyo iyo.

Run ahaan wax walbood igu sifaysaan waan ahay. Laakiin qof dib ii celin kara oo soo sixi kara waxaan qalad sameeyay ma jiro mana idinku jiro qof i caawin kara. Sheekadaydu waxay noqotay waxaan ka noqosho lahayn wayna gashayna buugga taariikda.

Sheekadayda ayaan soo hordhigayaa Gabar walba oo Muslimad ah oo isticmaasha INTERNETKA si ay calaamad ugu noqoto iyo ilaalin iyo si aysan ugu kicin axmaqnimada aan ku kacay iyo si ay ugu caqli qaataan kuwa caqliga leh.

Sheekadaydu waxay ka bilaabatay gabar saaxiibtay Gurigeeda. Maalin ayay gurigeeda igu marti qaaday saaxiibadaay waxay ka mid ahayd kuwa internetka isticmaala inta badan. Waxay bilowday inay intenetka wax iga barto. Muddo 3 bilood gudaheeda ayay wax walba oo ku saabsan internetka igu bartay waxay i bartay chat roomyaashoo dhan waxay kaloo i bartay sida wax loo baaro iyo sida loo raadsho web site yaasha cusub iyo kuwooda wanaagsan iyo kuwooda xunba.


3daas Bilood gudahooda ayaan waxaan ninkayga ku qasbay inuu internet guriga soo galiyo. Aad ayuuna oga soo horjeeday arrintaan illaa aan ku qanciyay inaan daal wayn dareemayo maadaama aan ka fogahay ehelka iyo asxaabtaba, waxaana xujjo oga dhigay inay saaxiibaday wada isticmaalaan internet, halkaasna aan kala sheekaysan karo internetkuna nooga lacag jabanayahy Telefoonka. Wuu ogolaaday dagaal badan ka dib asagoo aniga ii naxariisanaya.

Waxaan bilaabay inaan maalin walba saaxiibaday kula sheekaysto Internetka, ninkaygiina waa iga istareexay wax dacwo danbena igama maqal wuxuuna qirtay inuu ka istireexay dacwooyinkaygii. Mar walba oo uu ka baxo guriga sidii wax waalan baan internetka ugu ordaa, waan hor fariistaa anoo saacado badan maalin walba ku jira.

Waxaan bilaabay inaan jeclaysto inuu maqnaado wax yar markuu sii maqnaadana waan u xiisaa. Ninkayga waan jeclahay marna ninkaygu iskuma kay ladin wax walbana wuu i qabtay dhaqaalihiisuna aad uma fiicnayn markii la garabdhigo walaalahay iyo saaxiibaday, wanaagayga ayuu marwalba ka shaqaynayay. Maalmo badan markay tageen ka dib waxaan bilaabay in internetku uu noqdo meesha kaliya ee aan ku dareemo farxadda. Waxaana bilaabay xattaa inaanan xiisayn inaan ehelkay u safro oon u safri jirnay labadii wiigba mar.



Mar walba oo uu ninkaygu guriga ii soo galo si dagdag ah ayaan u damiyaa internetka taasoo uu qariibsaday lana yaabay, ma uusan iga shakisanayn laakiin wuxuu uun doonayay inuu arko waxaan ka samaynayo Internetka. Laga yaabee inuu dareemay masayr ka dib markuu i arkay anoo maalin ku jira Voice Chat “qof kula sheekaysanaya cod ahaa” isticmaalaya mikrafoon. Markaa ka dib ayuu bilaabay inuu i canaanto asoo leh internetku waa wax balaaran waxyaalo badanna laga faaiidaysan karo, maad ka baratid luuqadaha iyo sida loo sameeyo website anfacaya dadka ood iska daysid waxa maalaa yacniga ah ood waqtiga isaga dhuminaysid, ka dib waxaan isku dayey inaan ka faaiidaysto internetka mar danbana aanan galin chat roomka “Qolalka wada sheekaysiga” inaan la hadlayo walaalo iyo saaxiibo mooyee.

Waxaan ka tagay tarbiyadii caruurtayda waxaana u daayay khadaamaddda guriga, waxaan garanayay waxaam xafiday waqtiyada uu ninkaygu shaqada dhammeeyo gurigana ku soo aadanyahay si aan u damiyo computerka oo uusan iigu arag anoo ku mashquulsan chatka.

Waxaan si aada u dayacay naftayda. waagii hore aad ayaan isu qurxin jiray sida ugu qurux badanna baan u labisan jiray intuusan ninkaygu shaqada ka soo laaban, internetka ka dib waxaan bilaabay inaan tartiib tartiib naftayda iyo ninkayga iyo caruurtayda u illaawo illaa aan dhammaan wada illaaway, waxaana bilaabay inaan samaysto cudurdaaryo beena, sida:- imaadan sheegin inaad waqtigaan soo laabanaysid ama waqtigaagii baad ka soo hor martay iyo kuwa badan, waxaan aad ugu mashquulsanaa internetka illaa aan gaaray inaan soo kaco ka dib markuu seexdo oon galo internetka dibna sariirta ugu laabto intuusan soo kicin, laga yaabee inuu dareemay internetka waxaan ku hayyo inay tahay waqti dhumis ee aanan waxba ka faaiidaysanayn, laakiin wuxuu iiga dhimrinayay kalinimada maadaama ay ehelku iga fogyihiin, asna shaqo ku mashquulsanyahay, balse waxaa aad u dhibayay ihtimaam la’aanta aan u hayya caruurteenna mar walbana wuu igu canaanantaa laakiin hubka aan isku daafaco ayaa ahaa oohin iyo inuusan ogayn waxa guriga ka socda intuu ka maqanyahay, see baad saas ii oran kartaa.

Aan soo gaabshee Internetka intaan guriga la soo galin ka hor ninkaygu marka uu guriga ka maqanyahay waxaan wici jiray tobannaan jeer inaan maqlo codkiisa oo kaliya haddan internetka ka dib inaan is maqli wayno oon waco maraan dan wayn aan ka leeyahay oo kaliya.Ninkayga waxaa ku dhalaashay masayr wayn oo uu u qaaday Internetka laakiin masayrkaan waxaan kula dagaallami jiray boohin iyo sirta haweenka iyo xeeladda wayn een u leenahay qancinta nimankeenna.

Sidaas ayay nolosheennu ahay muddo ku dhow 6 bilood marna kuma soo dhicin ninkayga maskaxdiisa inaan si xun u isticmaalo internetka.

Mudadaas 6 bilood ah ayaa waxaan calaaqo wayn na dhex martay magacyo la soo toobal caaraystay “Nick Names” aanan garanayn inay niman yihiin iyo inay naago yihiin toona, qof walba oo chat ka ii soo gala si uu iila sheekaysto ayaan la sheekaysanayay xattaa anoo og inuu yahay nin waxaan la sheekaysanayo. Waxaan ka dalbanayay inay iga caawiyaan computerka wax badan ayaan ka bartay oo ku saabsan internetka. Dadkaas mid ka mida ayaa calaaqadeennu aad u waynaatay sababtoo ah wuxuu xirfad wayn u lahaa internetka, mar walba waan la sheekaysanayay dhib walba oo iga soo waajahda computerkana asaan kula ordayay ilaa uu kulankeennii noqday mid yawmi ah oo maalin walba ah. Waxaan jeclaaday sheekadiisa iyo kaftankiisa xiriirkeennu inuu sii waynaado ayuu bilaabay maalinba maalinka ka dambaysa. Aniga iyo ninka lagu magacaabo ????? kuna naynaasan –hebal—arrin wayn wayn ayaa na dhex martay wuxuu igu kaday hadalkiisa malab ka ah erayadiisa jacaylka eed moodo inuu buug ka soo xafiday, laga yaabee in erayadiisu aad aysan u qurxoonayn laakiin shaydaan ayaa malab ii mariyay iiguna qurxiyay si xadka ka baxsan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu iga dalbaday inuu codkayga maqlo wuuna ku adkaystay dalabkiisa illaa uu igu handaday inuu iga tagayo iskayna mootin doono, waxaan isku dayay inaan hor istaago dalabkiisa kana dhaadhiciyo inaanan awoodin laakiiin waan ku guulaysan waayay. Meel dhexe ayaan isugu nimid waan wada hadlaynaa bishardi inay noqoto hal wada hadal mar danbana aanan wada hadlin, taleefoon namarradii ayaan is dhaafsannay, waan wada hadlnay anoo walwal wayn iyo cabsi igu jirto, laakiin hadalkiisu aad ayuu u macaanaa, waan gariirayay marwalboon maqlo codkiisa waxaan ogaa inuu shaydaan sadex nagu ahaa iina qurxinayay arrintaan, lana dagaallamayay dhawrsanaantayda iyo akhlaaqdayda iyo diiintayda intii ka dhimmanayd. Halkaan ayayna ka bilaabatay noloshayda daba gadoonkeedu, qof walboo akhriyaa sheekadaan wuxuu oran in ninkaygu yahay qof dayac badan maqnaashana badan laakiin arrintu waa caksiga shaquu ka soo bixi jiray saaxiibadiisna in badan ma aadi jirin aniga awgay iyo kalinamada oo uu ila nacsanaa.

Maalmo badan markay soo wareegeen ka dib oon macallimad ku noqday Internetka oon maalin walba ku jiri jiray 8 saacadood ilaa 12 saacadood, waxaan bilaabay inaan karaahsado ninkayga joogitaankiisa in badanna aan taas ku cataabo kuna boorriyo inuu waqtiyada shaqada badsado galbihiiyoo kale uu shaqeeyo si aan oga baxno daynta is fuufuushay ee nalaku leeyahay, run ahaanna hadalkaygii ayuu qaatay saaxiib ayuu mashruuc yar kula noqday shirko, markaa ka dib saacadaha aan Internetka ku jiro intii ayay ka sii bateen.. Taariikhdii Imaamul Bukhaari.

Calaaqadaydii aan ninkaan internetka iska baranay la lahaa ayaa sii xoogaysatay, wuxuuna bilaabay inuu iga dalbado inaan is aragno codkayga markuu maqlay ka dib, uma aanan aabayeelayn dalabkiisan kamana hoos qaaday, waxaana ku cataabi jiray ku canaanan jiray dalabkaan uu iga dalbanayo inaan kulanno laga yaabee inaan anba aad u xiisaynayay araggiisa laakiin inaan anna xiisahayga cadaysto waxaa iga hortaagnaa cabsi aan cabsanyo fadeexad ee maahayn cabsi aan Ilaah.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada