Fanaanka Maxamuud Amoore oo Ka Raali Galiyay Fanaanka Shimaali Hees uu Horay uga Xaday + Video

Fanaanka Maxamuud Amoore oo Ka Raali Galiyay Fanaanka Shimaali Hees uu Horay uga Xaday + Video

daajis.com:-Fanaanka Maxamuud Amoore oo ka mid ah Fanaaniinta waayadaan dambe laga daba dhacay ayaa noqday fanaankii ugu horeeyay ee si dhab ah u qirtay in ogolaannsho la,aan uu qaaday hees uu horay u lahaa fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Shimaali Axmed Shimaali.


Fanaanka oo fadhiyay Barnaamijka Hobolka iyo hal abuurka Tv Kalsan ayaa sheegay in fanaaniinta danbe ee uu ka mid yahay aysan marnaba ka fursan karin heeso hore oo ogolaansho la,aan ay qaadeen maadaama aysan helin abwaano ka caawiya xiisaha iyo jaceylka ay fanka u hayaan.



Waxa uu intaasi ku daray in uu waligiiska qaaday hal hees oo Copy ah ama uusan isaga laheyn waxa uuna yiri
''Waxaan horay u dhaccay hal hees oo uu lahaa fanaanka weyn ee Soomaaliyeed shimaali 
Axmed Shimaali, waana ka xumahay in aan iska qaaday anigoo wax ogolaansho ah aanan ka haysan, sidaas darteed waxaan ka codsnaa in uu iska kay cafiyo''


Waa wax aad u wanaagsan in Fanaaniinta Da,da yar ee Soomaaliyeed ee markoodii hore isku tijaabiyay heesihii hore ay sidaan oo kale u qirtaan qaladka ay galeen islamarkaasna ay raali galin ka bixiyaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada