Yaa Laga Bartaa Jaceylka ? Qoraal Kaa Qoslinaya Ayaa Lagu Hayaa .

Yaa Laga Bartaa Jaceylka ? Qoraal Kaa Qoslinaya Ayaa Lagu Hayaa .

daajis.com:-Waxaa jiri jirtay jaziirad ay kuwada noolaayeen dareemaha kala ah: farxad, murug (tiiraanyo), aqoon, taajirnimo, iyo kuwa kale oo jacaylku kamid yahay.

Maalin maal maha kama mid ah ayaa waxa la shaaciyay inay jaziirada biya qaadi doonaan. Markaas ayay dhamaan dareemihii wada dhisteen doonyo, ay kaga tagayaan jaziirada.

Hase yeeshee Jacayl ayaa ku haray jaziiraddii, isagoo rajeynaaya wanaag.,Hase ahaatee markii uu Jacayl naftiisa arkay inay jaziirada biyo qarqinayaan ayaa wuxu dalbaday kaalmo.

Waxa soo martay Taajirnimo oo wadata doon aad u qurux badan Jacayl oo war warsan. Kadib ayuu Jacayl waydiistay kaalmo isagoo yidhi: Taajirnimooy ma i qaadi kartaa? Taajirnimo ayaa dabadeed ku jawaabtay: Maya, dahab iyo guryo ayaa halkan iiga buuxa, meel aan ku saaraana ma jirto.

Dhalanteed ayaa hadana soo maray isagoo wata doon qurux badan. Jacayl ayaa kaalmo waydiistay balse Dhalanteed wuxuu ku jawaabay: Saaxiib kuma qaadi karo, waad qoyantahay. Doonta ayaad iga xumaynasaa. Murugo ayaa deedna soo martay.
Jacayl ayaa hadana kaalmo waydiistay balse Murugo waxay ku jawaabtay: Jacaylow anaaba murugo i haysataa ee ina kala dheeree. Farxad ayaa soo martay xeebta.



Jacayl ayaa qaylo dhaan gaarsiiyay, balse Farxadi waxayba ku faraxsanayd inayna maqlin qaylo dhaanka jacayl. Xaaladu markay halkaas marayso ayaa Jacayl wuxu maqlay cod leh: Jacaylow kaalay anaa ku saari doontaydee. Doontii ayuu raacay isagoon ogaanin waxa wata doonta farxad darteed.

Kadib markii uu yimid dhul uu ku badbaado ayaa wuxu Jacayl waydiiyay Aqoon cida soo badbaadisay. Aqoon ayaa ku jawaabtay inuu ahaa ruux da´ah oo cimri taagan. Markaas ayuu Jacayl waydiiyay Aqoon waxa keenay inuu ruux da’a ahi badbaadiyo, kana aqbalo qaylo dhaankiisa.

 Aqoon ayaa ku jawaabay: Ruux da’a ah kaliya ayaa wuxuu jacayl ku fadhiyo yaqaano. Sheeko murtiyeedan ayaa waxa laga dhadhan sanayaa ayay daajis.com ku leedahay in aanay dad badani si fiican u dhuuxin erayga jacayl oo aanay micnihiisa balaadhan u aad u fahmin. Hase yeeshee waxa taa ka duwan dadka dunida kusoo noolaa mudada dheer ee soo arkay qaybo badan oo kamid ah waayaha nolosha kuwaasina waxa ay uga dhowyihiin dadka da’dayar in ay fahmaan macnaha ku jira erayga jacayl iyo nuxurka uu xambaarsan yahay.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada