Haweenka Suuriya ee ku qaxay Dalka Jordan oo Qaati ka Taagan Rag Guur Doon ah ee donaya Hablaha ...(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Haweenka Suuriya ee ku qaxay Dalka Jordan oo Qaati ka Taagan Rag Guur Doon ah ee donaya Hablaha ...(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Haweenka dalka Suuriya ee ku qaxay dalka Jordan ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday wel wel iyo cabsi baaxad weyn ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen rag badan oo ka tirsan wadamada Carabta oo guur been been ah raadinaayo. 





Haweenkaan reer Siiriya oo ka soo cararay dagaalada wadankooda ka jira una soo qaxay dalka Joordan ayaa waxaa la sheegay inay soo raajiciyeen rag ka kala yimid wadamada Khaliijka gaar ahaana dalalka Sacuudiga iyo Qadar iyadoona ay ragaas soo buux dhaafiyaan xerada qaxootiga ee lagu magacaabo Zataari taas oo hooy u ah in ka badan boqol kun oo qaxooti reer Siiriya ah ayaa waxaa soo gaara ragaas lacagleyda ah ee ka yimid wadamada carabta ayagoona raajicis ugu jira haweenka reer Siiriya ee ku jira kuna dhibaateysan kaamkaas, Haweenkaan oo ay heysato daruufo dhaqaale ayey ragaas waxay u sheegaan inay siinayaan lacago ayagoona weydiisanaayo inay guursadaan guurkaas oo ah mid been been ah oo ay ka doonayaan oo kaliya inay haweenkaas ay la raaxaystaan oo qura ka dibna ay dabada ka laadaan.


Haweeney lagu magacaabo Um Majed oo ah haweeney Siiriyaan ah ayaa iyadu waxay ka dhex shaqetsataa ragaas iyo dumarka reer Siiriya iyadoona u shirqoosha raga dumarkaas oo lacag kaga qaadata, Hadii ay ragaas rabaan inay arkaan naagta oo xijaaban waxay bixinayaan 100 lire, haday rabaan inay guursadaana waa 1000 liire, markii uu doonana waa uu furi karaa xataa saacad gudahood ha noqoto waxba igama galin ayey tiri haweeneydaas oo ka hadleysay arintaas,

Sidoo kale ayaa haweenkaas waxaa ku soo weeraro kaamkaas xiliyada habeenkii raga dalka Joordaan oo iyagu qafaasha dumarkaas marka ay ka soo dhameystaana dib ugu soo tuura kaamkaas sida ay sheegtay haweeneyda lagu magacaabo Israa Mohammed oo ka mid ah haweenka ku jira kaamkaas inay raga Joordanku ay soo weeraraan habeen kasta islamarkaana aysan dhaafayn gabdhaha yar yarka ah ee saqiirka ah sida 6 sano ama 7 sano jirka ah, taas oo keentay inay dumarku ay ka baqaan xiliyada habeenkii inay socdaan oo ay xataa u kacaan musqulaha iyadoona ay raga Siiriyaanku ay habeenkii roondo galaan oo ay ka ilaaliyaan dumarkooda ragaas bahalada ah ee xaaraan doonka noqday.

Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii ay arintaan tahay wax laga naxo ayaa mid ka mid ah raga reer Sacuudiga ah oo ka hadlay arintaan waxaa uu sheegay in dagaalada ka hor ay dumarka reer Suuriya ahaayeen kuwo ay adag tahay in la helo oo aad iyo aad ay ugu adkeyd raga reer Sacuudi inay xataa haweystaan naag reer Suuriya ah inay helaan taasna ay tahay tan maanta keentay arintaas iyo duulaanka raga reer Sacuudi ee haweenkaan Suuriyaanka ah, Haweeneyda reer Suuriyaanka ah ee ka shaqeysa ka ganacsiga haweenka reer Suuriya ayaa waxay sheegtay inay la yaabtay markay aragtay odey reer Sacuudi ah oo 63 sano jir ah oo codsaday gabar 13 sano jir ah inay u raadiso, Sidoo kale ayaa imaamka masaajidka Kaamkaas waxaa uu sheegay inuu la yaabay rag odayaal ah oo soo raajicinaayo haweenka reer Suuriyaanka ah ee ku dhibaateysan kaamkaas. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada