Didier Drogba: Ma Aaminayo In Varane 19-sano Jir Yahay, Waa Daaficii Ugu Fiicnaa Ee Aan Wajaho.

Didier Drogba: Ma Aaminayo In Varane 19-sano Jir Yahay, Waa Daaficii Ugu Fiicnaa Ee Aan Wajaho.

daajis.com:-Weeraryahanka kooxda Galatasaray Didier Drogba ayaa ku tilmaamay daafaca da`da yar ee kooxda Real Madrid Varane mid ka mid ah difaacyada ugu fiican aduunka ee taariikhdiisa uu ka hor yimid, isaga oo xusay in uu isku qabo kalsooni buuxda xilli da`diisa 19-ka weli ka bixin .

Varane ayaa fashiliyay dhamaan isku dayadii Drogba ee ku aadanaa in uu gaaro shabaqa gool hayaha Real ee Lopez kulankii dhawaan ay ku yeesheen garoonka Real ee ku dhamaaday 3/0 qeybtana ka ahaa wareegga 8-da ee Champions League.
Xiddigaan hore ee Chelsea Drogba ayaa u sheegay wargeyska AS ee ka soo baxa Spain: “Ma aaminayo in Varane uu jiro 19-sano , runtii waa mid ka mid ah dficaayada ugu fiican aduunka ee aan taariikhdeyda soo arkay”.
Laacibkaas Real ee Varane ayaa helay amaan ah in uu ku guuleystay in uu horistaago halista weerarka kooxda Glasaratay ee dalka Turkiga
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada