Howl-galkii ay wada fulinayeen ciidamada cirka iyo lugta oo lagu soo qab qabtay dad u badan Culumo diimeed

Howl-galkii ay wada fulinayeen ciidamada cirka iyo lugta oo lagu soo qab qabtay dad u badan Culumo diimeed

daajis.com:-Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay Xaafadada Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley waxa ay ka fuliyeen Howl galo aan caadi aheyn oo ay ka qeyb qaateen Gawaaarida Gaashaaman ee Ciidamada AMISOM iyo waliba Diyaarado Nuuca Qumaatiga u kaca ee Helicobter –ka oo kor kala socday howsha.


Howlgalkan oo saakay xili aroor hore ah bilowday ayaa ilaa waxa uu soo gaba bagoobay in yar kahor , waxaana la sheegay in lagu soo qab qabtay 20 ruux oo macalimiin dugsi Qur’aan u badan kadib markii Ciidamadu guryaha dhamaan ay galeen.

Saraakiisha hor ka cayay howl-galka ayaa waxa ay sheegen in dhamaan qolyaha lasoo qabtay la’aaminsanyahay in ay xariir dhaw laleyihiin kooxda Shabaab baaritaan dheerna mari doonaan.

Intii howl-galku socday ayaa Wadooyinka Xaafadahaasi lagu arkayay Taangiyada iyo Gawaarida kale ee Ciidanka ee inta badan Isticmaalaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabad Sugida ,waxaana dhinaca hawada ka taageerayay Diyaarad Nuuca Helicobter-ka .

Howlgalkan ayaana Noqonaya kii ugu Balaarnaa ee laga sameeyo Xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho, madama ay diyaarado qeyb kayihiin howl-galka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada