Madaxwewynaha dowlada Federaalka Soomaaliya oo la shaaciyay in uu barlamaanka hor tegayo (Muxuu sheegi doonaa?)

Madaxwewynaha dowlada Federaalka Soomaaliya oo la shaaciyay in uu barlamaanka hor tegayo (Muxuu sheegi doonaa?)

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa lasheegay in uu baarlamanka hor tegayo si uu uga hor sheego mudanayaasha arima badan oo muhiim ah.


Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo hadal ka jeediyay xarunta baarlamaanka Soomaaliya xilli uu baaqday kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada ayaa waxa uu shaaciyay in madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo baarlamaanka iska soo xaadirin doono laba bisha May ee sanadkaan.

Lama sheegin waxyaabaha madaxweynuhu uu baarlamaanka ka hor sheegi doono hasa yeeshee waxaa lafilayaa in uu ka hadlo arima ay kamid yihiin Shirka 7-da May ee lagu balansanyahay in uu ku qabsoomo magaadal London ee dalka ingiriiska kaas oo ay wada shir gudoomin doonaan madaxweynaha iyo R/wasaaraha Ingiriiska.

Shirka London oo ay gadaal ka riixeyso dowlada Dalkeeda lagu marti gelinayo ee Ingiriiska ayaa waxaa horay u diiday ka qeyb galkiisa maamul gobaleedkaSomaliland ee uu Siilanyo hogaamiyo inkasta oo ay jiraan dadaalo looga dhaa dhicinayo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada