Daawo Sawirada:Siyaasi kamid Ahaa Dadkii Sameeyay Filimkii Lagu caayay Nabi Maxamed(NNKHA) oo Qabriga Rasuulkana Ka Dul Ooyay

Daawo Sawirada:Siyaasi kamid Ahaa Dadkii Sameeyay Filimkii Lagu caayay Nabi Maxamed(NNKHA) oo Qabriga Rasuulkana Ka Dul Ooyay

daajis.com:-Guddoomiye ku xigeenkii Xisbiga Xoriyada Holland Arnaud Vendor, oo ka mid ahaa dadkii sameeyay filim lagu aflagaadaynayay Nabigeena Maxamed (NNKHA), oo cadho wayn ka abuuray dunida Muslimka ayaa inta uu muslimay ka dibna tagay labada xaram ee barakaysan isaga oo ka xun ficilkii uu sameeyay ee ka dhanka ahaa Islaamka iyo Nabi Maxamed (NNKHA).


Siyaasiyagan oo wakhtigan safar ku jooga dalka Boqortooyada Sucuudi Arabia ayaa booqday Qabriga Khayru Khalqi Laahiga, Rasuulkeeni Suubanaa Maxamed (NNKHA), ee magaalada Barakaysan ee Madiina Minawara, waxaanay wargeyska Cukad ee ka soo baxa dalka Sucuudigu ku warantay in la arkayay siyaasigaas oo ilmadu ka qubanayso indhihii markii uu gaadhay qabriga Nabigeeni Maxamed (NNKHA).

Arnaud Vendor, oo warbaahinta u waramay ka hor intaanu booqan dhulka barakaysan oo uu ku cimraysanayo, ayaa sheegay inuu iska casilay xisbiga garabka midig ee Freedom Party oo uu hore uga ahaa, guddoomiye ku xigeen, waxaanu sheegay inuu samaystay xisbi cusub oo uu isagu hogaamiyo.

Arnaud ayaa sheegay in filimkii lagu aflagaadaynayay Nabi Maxamed (NNKHA), uu ahaa wax laga yaq yaqsoodo, isaguna aanu garanayn Qiimaha Rasuulka (NNKHA), wakhtigii uu ka qayb galayay filimkaas, hasa yeeshee cadhadii iyo dagaalkii qadhaadhaa ee muslimiintu kaga dhiidhiyeen filimkaas, uu isaga saamayn wayn ku yeeshay naftiisa, isla markaana bur bur u horseeday xisbigii sameeyay.

Vendor ayaa tilmaamay in cadhada uu muslimiinta ka arkay ku kaliftay inuu akhristo Qur?aanka Kariimka, isla markaana uu daraaseeyo diinta Islaamka, ilaa uu arkay oo si fiican u ogaaday, in xumaanta iyo beenta ay reer galbeedku ka aaminsan yihiin, diinta Islaamka iyo Nabigii Naxariista (NNKHA), aanay wax jira ahayn.

Vendor, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga Garabka Midig ee dalka Holland, ayaa ka hadlay sida uu wakhti xaadirkan diyaarka ugu yahay, difaacista sharafta Islaamka iyo xurmada Nabi Maxamed (NNKHA), waxa uu xusay in filimkaas xun ee ay hore u sameeyeen uu faa?iido u noqday isaga oo sababay inuu ku Islaamo oo diinta islaamka barto.

Mar siyaasigani ka hadlayay sida wakhtigan xaaladiisu isku badashay iyo dhalan gadiska Diinta Islaamku ku samaysay naftiisa, waxa uu yidhi, [Runtii waxaan dareemayaa nolol cusub, waxaan la mid ahay sidii qof duni cusub tagay oo kale, waxa naftayda iyo maskaxdaydu dareemayaan raaxo iyo deganaansho aanan waligay helin.

Arnaud oo ka hadlayay arrimihii soo maray iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyay waxa uu yidhi, [Qarin maayo oo waxaan ahaa, mid nacaybka Islaamku buuxiyay, waxaan amiinsanaa in Islaamku duulaan igu yahay oo burburinayo xadaaradayada, waxaan u haystay in aanu mushtamaca Muslimka ahi marna soo saarayn jiil caafimaad qaba, oo heli kara xoriyad gaar ahaan haweenka, laakiin waxaas oo nacayb ahi, waxay ahaayeen oo noqdeen, kuwii ii horseeday inaan baadho oo daraaseeyo, dhex galna ku sameeyo muslimiinta.

Vendor isaga oo ka hadlaya heerka aqoonta ay islaamka u leeyihiin ka taagan tahay dadka Reer Galbeedka ah, waxa uu yidhi, [Runtii aqoon la?aan iyo jahli badan oo jira ayaa sababay in nacaybka heerkaa gaadhsiisan loo qaado Islaamka, sidaa awgeed waxa loo baahan yahay in dedaal badan laga galo sidii faham badan Islaamka looga siin lahaa dadka reer galbeedka ah.]

Xisbiga Garabka Midig ee uu siyaasigani ka tirsanaa oo loogu yeedho, (Freedom Party), waxa uu sanadkii 2010-kii doorashadii ka dhacday dalkaas, ka helay afar iyo labaatan kursi baarlamaanka, taas oo ka dhigtay xisbiga labaad ee ugu kuraasta badan dalkaas, waxa kale oo uu shan kursi ka helay baarlamaanka midowga Yurub, hasa yeeshee waxa tan iyo markii uu ku dhaqaaqay colaada Islaamka, haleelay kala jab ku dhacay gudihiisa, taas oo sababtay in dad badani ka baxaan, waxaana la saadaalinayaa in doorashada soo socota aanu gaadhi doonin isaga oo isku xidhan.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada