In kabadan 200 oo ku dhintay Shiinaha

In kabadan 200 oo ku dhintay Shiinaha

daajis.com:-Shaqaalaha gurmadka ee koonfur galbeed Shiinaha, ayaa la halgamaya inay gaaraan tuulooyinka buuraha ku yaala ee uu burburiyay dhulgariirkii ka dhacay shalay gobolka Sichuan.

In kabadan laba boqol oo qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, ilaa kow iyo toban kun oo kalena waa ay dhaawacmeen markii dhulgariir 6.6 cabirkiisu yahay uu ka dhacaygalbeedka Chengdu.
jidadka yar yar, dhiiqo, iyo baabuuro fara badan oo jidka xiray ayaa daahinaya gargaarka loo wado dadka.
Toddobo iyo toban kun oo ciidan iyo boliis ayaa loo diray inay ka caawiyaan dadka.


Teendhooyin ayaa laga sameeyay isbitaalka magaalada Ya'an si loogu daaweeyo dhaawaca.
Japan ayaa sheegtay inay doonayso inay gargaar u soo dirto Shiinaha, laakiin Shiinaha ayaa sheegay inaysan u baahnayn gargaar dibadda ilaa hadda.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada