KIISKA KISMAAYO IYO KALA FIKIR DUWANAANSHAHA KA JIRA (FAALO)

KIISKA KISMAAYO IYO KALA FIKIR DUWANAANSHAHA KA JIRA (FAALO)

daajis.com:- Dadka oo dhan aadbay ula yaabanyihiin waxa socda intooda badana waxa ay jecelyihiin inay lahadlaan qalabka warbaahinta iyagoo leh labo ajando oo iska hor imaanaya ama afkaar ad adag oo si weyn isku qilaafsan.

Qeyb ahaan waxa ay dadku leeyihiin waxa kasocda kismaayo waa sharci daro waana caqabad siyaasadeed oo loo maleegay dowlada.

Kooxda kale ee kasoo horjeedana aragtidooda waxa ay tahay in dadka uu dastuurka u ogalaanaya xaqa ay u leeyhiin in maamulkooda ay iyaga dhistaan sidaana meesha ay uga baxeyso dhaqankii ay dowladihii kumeelgaarka digreetooyinka maamulada ku dhisayeen.


Reysulwazaaraha iyo xubno katirsan waziiradiisa ayaa ku guuldareystay in ay siyaasada dowlada kasoo iibiyaan madaxda hal adeega uu kamuuqdo ee kismaayo wax ka abaabulaya waxii xiligaasi kadanbeeyayna dowlada sida inaanay waxba ogeyn ayay dhegaha iyo indhahaba uga laabatay waxa kismaayo kajira.

Kismaayo waa magaalo xeeb istiraatiiji oo ah caasimada sadaxaad ee soomaaliya waana magaalo badanaa dadka falanqeeya ay ku tilmaamaan in xal lagu wada qanco oo leehala ay lamid tahay cirbid haboon madow luntay oo lahelay waxana magaaladaasi ay door firfircoon kaciyaartay mudadii ay soomaaliya colaada kajirtay iyadoo hadbana ku dhaceysa gacanta labadii dagaalanta kii reerka u hara.

Waxase hada sii dheer in magaalada sida dhul caalami ah oo aanay cidina sheegan karin ay maamul u sameynteeda ugu xisaabtamayaan dowlao kala duwan gaar ahaan kuwa urugobaleedka igaad waana meesha ladhihi karo waa halka ay sartu ka qurunsantahay.

Dalalka igaad oo badankood ay ciidamo kajoogaan soomaaliya qaarkood si toos ah iyo sidadbanba waxa ladhihi karaa arimaha jubooyinka waxa ay kadhax arkaan dano iyo istiraatiijiyado amaan dhaqaalo ama mid siyaasadeed oo dalalkooda quseeya waana waa taa sababta ku adkeyneysa in xaaladan cakiran ay u daayaan soomaalida gudeheeda .

Dalalkan ayaa shir quseeya wax kabedelka hab dhaqankoodii soomaaliya oo ay codsatay dowlada fadraalka waxa uu maanta uga furmayaa magaalada adis ababa ee caasimada itoobiya waxana dadka arimahan isha ku haya ay sheegayaan inay adagtahay natiijo wax ku ool u ah soomaaliya in shirkaasi ay kasoo baxdo hadii dalalkan ugu danbeyn ay ku qasbanaadaan in faragelinta ay kadaayaan soomaaliyana dadka qaar waxa ay leeyihiin waxa suura gal ah in qas siyaasadeed oo aan lamahdin hadana in si hoose ay u fuliyaan waana mrxalad kale oo kabaaraan deg iyo kafiirsi dheer u baahan.

Dhinaca kismaayo maamulka halkaasi kajira ilaa hada waxuu is dareensiinayaa in guulo wax ku ool ah uu kagaaray hadafkiisa siyaasiyiin caan ah iyo xildhibaano banadana ay soo jiiteen iyagoo sidoo kale ayidaad kale kahelay maamulka bunland oo weli miizaankiisa siyaasadeed aan la dhayalsankarin arimahaasi oo idil madaxada kismaayo waxay uga go leeyihiin inay dowlada ku qaadacday howshooda ay cadaadis uga dhigaan dhab ahaana waxa kasocda kismaayo odayaasha leysku aruuriyay iyo siyaasiyiinta ku qulqulaya marka aad eegto xaalada dhayalsi malaha.

Laakiin dowlada fadraalka ayaa ku jiifta aqoonsiga ay caalamka gaar ahaan mareykanka ka heshay iyadoo is dareen siineyso in natiijada kismaayo kasoo burqata ay ku filantahay laad siyaasadeed oo ay mar qura ku dhufato.

Laakiin dowladan ayaa dhalashadeedii loogu wanqalay kumeelgaar kabixida soomaaliya loona idmay inay kala maareyso dal iyo dad aad u kala tagay mudo rubac qarni ku dhow dowladaasi curdunka ah iyo marxalada kajirta gudaha dalka marka leysku eego ayay falanqeeyayaasha qaar ku tilmaameen sida canug yar oo loo geliyay koor suud ah oo aad u quruxbadan kana weyn welina u baahan in caalamka uu ka ilaaliyo cidii carqalad ladooneysa.

Laakiin wax waliba ayaa la leeyahay waxa ay ku xirnaandoontaa sida ay arintani u maareeyaan madaxda dowlada ugu sareysa iskana xakameeyaan kalafakasho ku kala timaada heyadaha dastuuriga gaar ahaan baarlamaanka oo aad ugu nugul sidoo kale waxa aan meesha laga saari karin furfurnaan siyaasadeed iyo dulqaad badan oo ay layimaadaan madaxda oo qaarkood hada laga aqrisan karo in dabacsanaantii looga baahnaa ay meel iska dhigeen.


W/Q:Yuusuf Axmed Abuukar (Kaynaan) 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com


Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada