Chelsea Oo Kaalinta 3aad Kala Wareegtay Spurs Xilli Ay Garaaceen Sunderland Islamarkaan Spurs Lagu Dhegay.

Chelsea Oo Kaalinta 3aad Kala Wareegtay Spurs Xilli Ay Garaaceen Sunderland Islamarkaan Spurs Lagu Dhegay.

daajis.com:-Kooxda Chelsea ayaa kaalinta seddexaad ee kala sareynta horyaalka Premier League kala baxday kooxda Tottenham, xilli ay 2-1 ku garaaceen Sunderland, islamarkaana Tottenham ay barbaro 2-2 ah ka tuugtay kooxda Everton.

Sunderland ayaa fursadii ugu horeysay ee halis aheyd heshay daqiiqadii 19aad markii Sunderland ay soo qaatay counter-attack culus, Johnson ayaa kubada meel banaan ku helay, laakiin darbadii uu la haweystay goolka waxaa madax ku bixiyay David Luiz.
Dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta ayaana Sunderland ay hogaanka qabatay, markii kooner la soo tuuray uu shabaqa iska geliyay daafaca reer Spain Azpilicueta oo damacsanaa inuu kubada bixiyo.
Inkastoo Chelsea ay kubada ka heysatay Sunderland hadii qeybtii hore waxaa lagu kala nastay gool iyo waxba oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida aheyd ee Paolo Di Canio.

Qeybta labaad ee ciyaarta ayaa waxa bed ku soo galay Fernando Torres kaasoo bedelay Demba Ba, waxaana uu weeraryahanka reer Spain uu durbadiiba gacan ka geystay goolka barbaraha oo uu iska dhaliyay Matt Kilgallon. Taasoo ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah.
Daqiiqadii 55aad ayayna Chelsea hogaanka u qabatay ciyaarta, kubad kale oo qeyrul caadi ah, markii darbo uu goolka la beegsaday ay ku dhacday Ivanovic taasoo sii dabamartay goolhaye Mignolet.
Daqiiqadii 70aad ayaa Sunderland ay soo martay fursad, markii Johnson uu ka soo tagay Mikel ka hor inta uusan kubad u qaadin goolka laakiin waa ay agmartay.
Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay iyadoo Chelsea ay ku badisay 2-1, waxaana natiijadaas ka saacideysa inay kaalinta 3aad ka soo galaan kala sareynta horyaalka iyagoo leh 58 dhibcood.
Tottenham oo 58 dhibcood leh balse farqiga goolasha laga fiican yahay ayaa u soo dhacday kaalinta afaraad ka mid ah markii ay barbaro 2-2 ah la galeen kooxda Everton oo marti ku aheyd White Hart Lane.
Spurs ayaa goolasha ku hormartay ka dib gool uu u saxiixay Emanuel Adebayor, labo gool ay kala dhaliyeen Jagielka iyo Miralas ayaana Everton ay hogaanka ku qabatay iyadoo gool uu dhaliyay dhamaadkii ciyaarta Sigurdsson ay ku barbareeyeen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada