Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo maanta booqday magaalada Kismaayo

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo maanta booqday magaalada Kismaayo

daajis.com:-Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mahamed Salah Anadif ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, iyadoo uu wehliyay Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM Jen. Andrew Gutti, Taliyaha Ciidamada Kenya ee qeybta AMISOM iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee taageera howlaha AMISOM.

Amb. Anadif ayaa markii uu tagay Kismaayo la kulmay saraakiisha ciidamada iyo maamulka KMG, isagoo ku ammaanay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM dadaalka ay u galeen sidii Kismaayo uga saari lahaayeen Al-Shabaab.
Booqashadan ayaa aheyd mid uu uga kuur galayay Ergeyga Midowga Afrika xaalada ciidamada AMISOM, qalabka ay heystaan iyo sidii warbixino ay ugu heli lahaayeen howsha ciidamada ay u joogaan.
Taliyaha AMISOM Jen. Andrew Gutti ayaa dhankiisa ammaanay howlaha Ciidamada ka socda Kenya ka wadaan Jubooyinka, isagoo xaqiijiyay in dhowaan ciidamo ka socda Sierra Leone ay soo gaari doonaan magaalada Kismaayo.
Waa markii u horeysay oo Mas’uul ka socda Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Taliyaha guud ee AMISOM booqasho ku tagaan Kismaayo, tan iyo markii sanadkii hore la wareegeen Ciidamada ka socda Kenya iyo kuwa soomaalida.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada