MAADOOYIN KHATAR AH OO LAGA HELEY KAREEMKA ILKAHA LAGU CADEYDO IYO SHAANBOOYINKA TIMAHA

MAADOOYIN KHATAR AH OO LAGA HELEY KAREEMKA ILKAHA LAGU CADEYDO IYO SHAANBOOYINKA TIMAHA

daajis.com:-Hay,adda Midowga Yurub u qaabilsan macaamiisha iyo wax kala iibsiga BEUC ayaa sheegtey in ay ka heleen Kiimiko khatar ah qaar kamid ah kareemada lagu cadeydo iyo weliba Shaanbooyinka Timaha.

Sida laga soo xiganayo BEUC, waxaa dad badan isticmaalaan maalinkasta alaabaha ay ka heleen Kiimikada khatarta ah.

Kiimikada laga heley qaar kamid ah Kareemada ilkaha lagu cadeydo iyo Shaanbooyinka ayaa waxyeelo u geysta Hoormonada, waxaana ka mid ah waxyaabaha laga helay triclosan oo ah aalad loo isticmaalo in lagu dilo Bakteeriyada iyo Propylparaben oo ah Kiimiko loo isticmaalo in ay wax keydiso ama gaarsiiso sheyga lagu daray in la isticmaali karo muddo dheer.

BEUC ayaa baaritaanka ay ku samaysey qaar kamid ah kareemada ilkaha iyo shaanbooyinka, kuwaas oo Kiimikada khatarta ku noqon karta Jirka bini,aadamka an soo daabicin magacyadooda, laakiin waxaa la soo daabacay alaabta baaritaanka lagu sameeyey oo aad ka heli kartid Alaabta aan baaritaanka ku samayney waxa ay isugu jiraan kuwo ay hooseyso Kiimikada laga heley iyo kuwo heerkoodu xad dhaaf yahay, waxaana weli caddeyn kuwa khatarta weyn ku ah bulshada, haddii ay si joogto ah u isticmaalaan ayey tiri Sylvia Maurer, oo dhanka caafimaadka u qaabilsan BEUC.

Sida laga soo xiganaya hay,adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Deegaanka ee UNEP iyo hay,adda Caafimaadka Addduunka ee WHO, waxay dhawaan daabaceen alaabo maalinkasta la isticmaalo kuwaas oo ay ku jiraan Kiimikooyin wax u dhimaaya Hoormoonada dadka, waxaana ka mid ahaa waxyaabaha ay daabaceen alaabaha caruurtu ku ciyaarto iyo dhar.
  _____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com


Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada