Maamulka Gobolka Hiiraan oo Beri lakala dirayo iyo Maamulka Cusub ee Badalaya iyo Wasiir katirsan Dowlada oo maanta gaaray Baladweyn

Maamulka Gobolka Hiiraan oo Beri lakala dirayo iyo Maamulka Cusub ee Badalaya iyo Wasiir katirsan Dowlada oo maanta gaaray Baladweyn

daajis.com:-Cabdi Risaaq Maxamed Cumar oo ah wasiirka Kheyraadka dalka kana soo jeeda gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa maanta isaga iyo wafdi lasocday waxa ay gaareen magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa wafdigiisa waxaa kamid ah maamul cusub oo loo magacaabay gobalka Hiiraan oo bedeli doona maamulka hada jira kaas oo shaqeyn doona muda lix bilood ah iyada oo xilligaas wixii ka danbeeyana ay dhacayaan doorashooyin dadka deeganku ay ka qeyb qaadanayaan oo muumulada dhan lagu soo dooranayo.

Cabdi Risaaq Maxamed Cumar ayaa waxa uu kulamo laleeyahay maamulka shaqada kasii tegaya, odayaasha dhaqanka ee deegaanka iyo sidoo kale ciidamada AMIOSM ee halkaasi ku sugan, iyadaa oo loo diyaar garoobayo ku dhawaaqida maamulka cusub oo maalinta berri ah xaflada looga dhawaqayo ay ka dhici doonto B/weyne.

Waayihii danbe ayaa xukuumada cabdi faarax Shirdoon waxa ay waday howla ay ku magacaabeyso maamullo kummeel gaar ah oo gobalada iyo degmooyinka dalka oo dhana ay ku ekeyneyso si maamuladii hore looga takhaluso looguna diyaar garoobo maamul shacabku soo doorto oo dhaca lix bilood kadib.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada