Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo lagu wado inuu booqdo magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo lagu wado inuu booqdo magaalada Kismaayo


Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa lagu wadaa in booqasho ku tago magaalada Kismaayo, kadib markii uu dhowaan fashilmay wada hadadlii dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG ee Kismaayo.
Sida ay sheegayaan warar laga helayo Kismaayo Madaxweyne Faroole oo taageero dadban siinayay maamulayaasha Kismaayo ayaa haatan doonaya inuu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan taageerada shirweynaha maamul u sameynta Jubooyinka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in booqashada Faroole ay jawaab u tahay socdaalkii uu todobaadkii la soo dhaafay ku tagay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo Maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe uu gaashaanbuursi ka raadsanayo maamulka Puntland.

Shirweynaha maamul u sameynta Jubooyinka ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay aheyd mid dar dar ku socday, isla markaana ergadii ka qeyb galeysay la soo dhameystiray, waxaana shirka ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ah hogaamiya Maamulka la magac baxay Azaaniya oo lagu dhisay Nairobi.
Madaxweynaha Puntland ayaa qorshuhu yahay inuu furo shirweynaha maamul u sameynta Jubooyinka, isagoo horay u taageeray in nidaamka federaalka ee ku saleysan dhismaha maamul goboleedyada in la hirgeliyo, Jubooyinkana maamul goboleed ay sameystaan.
Shirweynaha maamul u sameynta Jubooyinka ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu galo weji cusub, maadaama shalay dhamaan ergadii ka qeyb galeysay shirka loo qeybiyay qoraalo ay ku qoran yihiin dastuurka lagu dhaqi doono maamulkaas oo dhowaan Ergada ka doodi doonaan.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada