Daawa Sawirro AMISOM oo tabababar Muqdisho ugu furtay Ciidamo ka tirsan dowladda

Daawa Sawirro AMISOM oo tabababar Muqdisho ugu furtay Ciidamo ka tirsan dowladda

Qeybtii u horeysay ciidamo ka tirsan dowladda ayaa tababar loogu furay mid ka mid ah xeryaha ciidan ee ay gacanta ku hayaan AMISOM, iyadoo tababarkan uu bilow u yahay tababaro ciidamada dowladda lagu siinayo gudaha dalka.


Ciidamadan oo gaaraya boqolaal ayaa qeybtooda u horeysay tabababar uga socdaa Jazeera, halkaasoo xero ciidan ay ku leeyihiin AMISOM, waxaana askarta la baranayaa xeelado iyo qidad xaga dagaalka.
Inkastoo horay ciidamada dowladda tababar loogu qaadi jiray dalalka deriska, ayaa horay dowladda Soomaaliya shaaca uga qaaday in ciidamada wixii hada ka dambeeya gudaha dalka lagu tababari doono.
Askartan tababarka ka qeyb qaadaneysa ayaa waxaa qeyb ka ah koox ciidan oo ka tirsan AMISOM, kuwaasoo la barayo habka shiishka, waxaana kooxdan la sheegay inay si gaar ah u tababaran yihiin, gaar ahaan la siinayo tababarka dhanka shiishka ee Snipers-ka.
Midowga Yurub ayaa ciidamada dowladda horay ugu tababaray dalka Uganda, halkaasoo xerada Bihanka ay ka soo baxeen kumanaan askari oo labadii sano ee u dambeysay Uganda lagu soo tababaray, iyadoo qeybtii u dambeysay dhowaan loo soo xiray.









_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada