Shirkada Google oo Maalintii shalay ka naxsatay Malaayiin Qof oo kunool Dunida Dacaladeeda(Talow Maxaa Dhacay)

Shirkada Google oo Maalintii shalay ka naxsatay Malaayiin Qof oo kunool Dunida Dacaladeeda(Talow Maxaa Dhacay)

google

Shirkada ugu balaadhan baahinta iyo baadhista internet-ka ee Google ayaa April 1, 2013 soo saartay bayaan ay ku sheegayso isla markaana ay macaamiisheeda kala duwan kula socodsiinayso in gabi ahaanba albaabada muddo toban sanadood ah u laabayso shabakada muuqaalada iyo filimada loo isticmaalo ee youtube, oo ka mid ah isla Google.

Shirkada ayaa si lama filaan ah uga nixisay macaamiisheeda ka dib markii ay sheegtay in dhamaan wixii kayd iyo macluumaad ugu jiray laga saarayo oo la masixi doono ilaa laga gaadhayo sanadka 2023-kana aanay dib hawada ugu soo noqon doonin Youtube.

Dadka ayaa warkan si wayn isku waydiiyay markii uu soo baxay sababtoo ah waxa ay shirkadu ku baahisay warkaas, Video sadex daqiiqadood xadigiisu ahaa, oo masuuliyiinta Google ay ku sheegayaan in la xidhayo shabakadaas, tan iyo sanadkii 2006-dii soo shaqaynaysay ee lagu tilmaamo ta aduunka ugu wayn, hantideedana lagu qiyaaso 1.65- Bilyan dollar.

Shirkada google ayaa sheegtay in ay samaynayso qiimayn ay ku kala saarayso muuqaaladii Video-yadii muddadii ay jirtay Youtube la soo galin jiray, ka dibna sanadka 2013-ka ay ka soo saari doonto video-ga ugu wanaagsan natiijada guulaystahana ay wakhtigaas ku dhawaaqi doonto.

Run ahaantii macaamiisha Youtube oo argagax iyo layaab ka qaaday warkaas ayay shirkadu mar kale ka raali galisay, iyada oo sheegtay in dhamaan waxaas oo dhami ahaayeen kaftan la xidhiidha maalinta Beenta Aduunka ee 1, April 1, 2013.

Google ayaa sheegtay in dhamaan warkaasi ahaa mid loogu tala galay beenta kowda April ee dunidu caadaysato, sidaa awgeed ay ku soo bandhigayeen beentii ugu saamaynta badnayd 


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada