Ancelotti Oo Jees-jeesaya : Weli Waan Sugaaya Warbixintii Saaxibkeey Jose Si Aan Halista Barcelona U Hakiyo.

Ancelotti Oo Jees-jeesaya : Weli Waan Sugaaya Warbixintii Saaxibkeey Jose Si Aan Halista Barcelona U Hakiyo.


Carlo Ancelotti oo ay kooxdiisa caawa kulan adag ku marti gilinayaan kooxda Barcelona ayaa isaga oo ku jees jeesaya wararkii dhawaan suuqa soo galay ee sheegayay in Jose Mourinho uu ka helay cajal muuqaal oo lagu sharaxayo qaabka ay ugu guuleysan karaan Barcelona waxa uuna tilmaamay in weli uu sugayo warbixintaas.

Wargeyska L’Equipe ayaa horay u tilmaamay in Mourinho uu u dhiibay Ancelotti cajal muuqaal ah oo muujinaya dhinacyada ay ka liitaan Barcelona iyo habka looga badin karo Barcelona .
Ka hor kulanka caawa ayaa Ancelotti lagaga soo xigtay kulan wareed uu kaga hadlayay kulanka caawa ” waxaad maalmo ka hor i weydiiseen warbixintaas Jose , waxaan idin sheegay in aan weli sugayo , hadaba ciyaarta waa timid welina waan sugayaa in aan helo warbixintaas Jose , qibrad ayuu u leeyahay kulmada Barcelona waana na anfaceysaa welina waan sugeynaa”.
Mar uu ka hadlayay kulanka Caawa ayuu yiri” waa kulankii noogu adkaa xilli ciyaareedkaan , waxaan dareemeynaa xamaasad taasina fursad ayay na siineysaa”.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada