Madaxweynaha Soomaaliya oo hambalyo u diray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Soomaaliya oo hambalyo u diray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta, kadib markii Maxkamada sare ee dalkaas ay ansixiyay inuu ku guuleystay doorashadii dhacday 4-tii Maarso.
War saxaafadeed ka soo baxay Madaxweynaha oo ku qornaa Afka Ingiriiska ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku soo dhoweeyay dhigiisa Kenya, isagoo u diray hambalyo kal iyo laab ah.
“Anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyed iyo midka dowladda federaalka, waxaan hambalyo kal iyo laab u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Kenya”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo in Madaxweynaha cusub uu qaadi doono jid cusub oo horumar u horseedi doona dallkiisa sida uu yiri.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay in natiijada doorashada Kenya ay muujineyso sida dadka reer Kenya ay u doonayaan bilow cusub iyo inuu wax weyn ka bedelo mustaqbalkooda.
“Waxaan aaminsanahay in xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu sii xoogeysan doono, sidii walaalnimada aheyd uu usii jiri doono”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Go’aanka Maxkamada Kenya ku ansixisay doorashada Uhuru Kenyatta ayaa ka dambeysay, markii Raila Odinga uu u gudbiyay maxkamada dacwad ku aadan in doorashada la musuq maasuqay.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada