Madaxweynaha Soomaaliya oo kaalinta 57-aad kagalay qiimeyn lagu sameeyay Madaxda aduunka ee ugu Saamaynta Badan

Madaxweynaha Soomaaliya oo kaalinta 57-aad kagalay qiimeyn lagu sameeyay Madaxda aduunka ee ugu Saamaynta Badan

daajis.com:-Sida lagu Daabacay Jariidad Ama Magazine Lagu magacaabo Time 100 oo inta badan wax ka qorta 100 qof ee Aduunka ugu saamaynta Badan  Hadii ay ahaanlahaayeen Hogaamiyaasha, Fanaaniinta, IWM ayaa waxa Galay Kaalinta 57-aad ee Hogaamiyaasha ugu saamaynta Badan aduunka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Magazine-ka Qiimaynta ku sameeyay 100 Hogaamiye ee Aduunka ugu Saameenta badan ayaa waxa ay markii hore kasoo sheekaysay Doorashii Looga soo Baxay KMG-gaarnimadii iyo Sidii loo soo doortay Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa ayna sheegtay in ay ahayd Doorashadaas 2012  Soo afjarkiii Musuq Maasuqa, iyo Kasoo Bixistii Xiligii ay talin Jireen Hogaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya Soo xukumi jiray in Muddo ah.

Waxay Magazine-ka ay Sheegtay in Ammaanka Magaalada Muqdisho uu soo wanaagsanaanayo iyadoo ku dhawaad 17 Kun oo Ciidan Midowga Afrika ah ay ku dadaalayaan in amaanka ay sugaaan inkastoo ay jiraan bay tiri (Magazine) Xoogaa Carqalado ah maadaama Wadan 20 sano Bur Bursanaa Aan mar qura Amaankii iyo Kala dambayntii lasoo celin karin.

20 sano oo Ruwanda Dagaal ku jirtay waxa ay na tusaysaa bey leedahay (Time 100) in wax walba dib loo soo celin karo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa horyaala Shaqooyin aad u dhib badan oo ah sidii uu ula Jaanqaadi lahaa Taageerada Dibada ka imaanaysa iyo Qofka Soomaaliga ah ee noqday Qof Isaga Kaligii is xukuma.

Hogaamiyaha Soomaaliya  ee Dastuuriga ah mudo 20 sano ka dib waa sida Ay u qortay (Magazine)  Xasan Sheekh Maxamuud Waxa uu Noqonayaa Hogaamiye Ku dayasho Mudan ee Afrikan ah  Kalsoonida uu Samaaystay Awgeed , taasoo ah in uu kasoo jeediyay Indhihii arki jiray uun Dagaalo iyo isbarbar yaac, uuna Caalamka u jeediyay Soomaaliya oo Daganaan iyo Horumar ku tilaabsanaysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ah madaxweynihii ugu Horeeyay ee Dowlad Rasmi ah madax u noqda Muddo 20 sano ka dib.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada