Daawo sawirada Qarax ka Dhacay Warshad ku Taalla Texas

Daawo sawirada Qarax ka Dhacay Warshad ku Taalla Texas

daajis.com:-Mas’uuliyiinta Gobalka Texas ayaa sheegay in 5 ilaa 15 qof ay ku dhinteen qarax xalay ka dhacay warshad ku taalla gobalka Texas ee dalka Mareykanka.
 
Afhayeen u hadlay qeybta booliiska ee magaalada Waco, ayaa sheegay in ugu yaraan 160 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa oo ka dhacay warshad lagu farsameeyo waxyaabaha lagu bacrimiyo beeraha oo ku taalla degmada West ee magaalada Waco. Inta u dhaxeysa 50 ilaa 75 guri ayaa qaraxu qasaare gaarsiiyey ama uu burburiyey.
 
Dad badan ayaa laga saaray deegaanka kuwaasi oo ay ku jiraan kuwo laga badbaadiyey guri lagu xanaaneeyo dadka da’da ah oo ay ku noolaayeen dad kor u dhaafaya 100 qof.
 
Shaqaalaha gurmadka deg-deggga ah ayaa weli baaraya guryaha burburay si ay u badbaadiyaan hadii ay jiri karto dad weli ku hoos jira burburka dhismayaasha guryaha.
 
Masuuliyiintu weli ma sheegin waxa keenay iyo sida uu ku bilaawday dabka ka kacay warshadda.
 
Guddoomiyaha bogalka Texas Rick Perry ayaa sheegay in gobalku qoondeeyey dhaqaale iyo agab lagu caawiyo mas’uuliyiinta deegaanka ay ku taallo warshada dabku kacay.
 
Shaqaalaha gurmadka deg-degga ee deegaanada ku dhow degmada West ayaa u soo gurmaday inay gacan ka geystaan daminta dabka iyo caawinta bulshada.





_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada