Man City Oo Heshiis Cusub U Soo Bandhigeysa Sergio Aguero Si Ay Meesha Uga Saaraan Xiisaha Real Madrid.

Man City Oo Heshiis Cusub U Soo Bandhigeysa Sergio Aguero Si Ay Meesha Uga Saaraan Xiisaha Real Madrid.

daajis.com:-Sergio Aguero ayaa lagu soo waramayaa in Manchester City uu ka heli doono heshiis cusub oo shan sanno ah, sida ay ogaatay shabakada Goal.com
Weeraryahanka reer Argentine ayaa seddex sanno ay uga harsan tahay qandaraaskiisa haatan ee City, laakiin milkiilayaasha kooxda Sky Blue ayaa doonaya inay waqti intaas ka badan kooxda ku sii hayaan.
Sida Goal.com ay ku warameyso City ayaan ka walwalsaneyn wararka ciyaaryahanka la xiriirinaya Real Madrid xagaaga.

Aguero sodigiis Diego Maradona ayaa hore u sheegay in u dhaqaaqis uu u dhaqaaqo 24 jirkaan Real Madrid inay u ahaan laheyd riyo u rumowday.
City ayaa haatan ciyaaryahanka ku qiimeyneysa 59 milyan ginni waxaana ay doonayaa inay haatan la fariistaan Aguero oo ay labo sanno kale ugu kordhiyaan qandaraaskiisa haatan.
Aguero ayaa waxa uu isbuucii ka qaadaa Etihad Stadium 200 kun ginni, waxaana uu qaadan doonaa marka heshiiska loo kordhiyo mushahar la mid ah, laakiin waxaa la socon doona lacag dheeri ah oo ku xirnaan doona qaab ciyaareedkiisa iyo goolasha uu dhaliyo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada