Waxaan Mar Walba Ahaan Doonaa Turkish” – Sababta Mesut Özil Looga Jecel Yahay Istanbul.

Waxaan Mar Walba Ahaan Doonaa Turkish” – Sababta Mesut Özil Looga Jecel Yahay Istanbul.

daajis.com:-Mid kasta oo ka mid ah safarada Mesut Ozil ee Turkey uu ku tago ayaa ah mid Special ah. Ciyaaryahanka No.10 u qaata Real Madrid oo asal ahaan ka soo jeeda Turki ayaa ka dhigeysa inuu gurigiisa oo kale ku dareemo halkaas, waana wax ay xaqiijinayaan inta badan taageerayaasha Turkiga kuwaasoo jaceylkooda u soo bandhiga mar kasta oo ay awoodaan.


Intii uu tababar kula qaadanayay Real Madrid garoonka Besiktas ka hor kulanka caawa, in u dhaxeyso 40 ilaa 50 taageerayaal Turki ah ayaa ku heesayay magaca kubadsameeyaha Real Madrid iyagoo lahaa “Özil, olé, Özil, olé!” markii uu tababarka soo dhamaaday, xiddiga Jarmalka u ciyaara haatan ayaa u dhawaaday taageerayaasha isagoo ugu mahadceliyay taageeradooda waxaana uu u saxiixay agabyadii ay wateen.
Si kastaba, mar walba sidaasi uma ahan Ozil marka uu booqdo Turkey. Waxaa jira taageerayaal qaar oo weli aan ka cafinin inuu ka doortay Germany halkii uu u ciyaari lahaa Turkey, waxaana ay dareenkooda soo bandhigaan mar kasta uu la ciyaarayo koox Turki ah ama xulka qaranka Turkey.
Sida caadiga aheyd go’aankiisa uu Germany ugu ciyaaray waxaa jiray dad ka xumaaday, laakiin sida uu u sababeeyay ayaa aheyd wax iyadana la aqbali karay: Isagoo hore u yiri: “Waxaan ku dhashay oo ku soo barbaaray wadankaan. Waxaan guul la soo gaaray xulka juunyeerka Jarmalka. Sababtaas darteed waxaan doortay inaan Germany u ciyaaro. Ma jirin sabab ii diideysa inaan iyaga guulo la gaaro.”
Inkastoo uu hami ku leeyahay inuu guulo la gaaro xulka heysta seddexda jeer koobka adduunka hadana waxa uu weli ixtiraam u hayaa Turkey: “Aniga iyo qoyskeyga waxaan mar walba ahaan doonaa Turkish laakiin waxaan ku dhashay oo aan ku noolahay Germany. Raaxo ayaan ku dareemayaa maaliyada Germany.”
Markii labada wadan ay ku kulmeen isreebreebkii Euro 2012, waxa uu si waadix ah u qirtay inay u tahay qarow oo kale in labadiisa xul ay isku soo aadaan, waxa uu markaas yiri: “Ma aanan dooneynin inaan isreebreebka Euro 2012 ka horimaado Turkey. Rajadeyda waxa ay tahay in labada xul ay u soo baxaan ciyaaraha kama danbeysta.”
Xaqiiqda ayaa ah in Ozil inkastoo uu asal ahaan ka soo jeedo Turkish, hadana uu yahay jiilka labaad ee Germany, hadii si kale loo dhigo waalidiintiisa ayaa xitaa ku dhashay dalka uu haatan u ciyaaro.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada