Mar marka qaan aan dareemo fikirkaan waan yabaa balse maxaan ka irahdaa…???

Mar marka qaan aan dareemo fikirkaan waan yabaa balse maxaan ka irahdaa…???

daajis.com:-Si fudud ayaan u maseyraa taasina waxaa ugu wacan jaceylka xad dhaafka ah ee aan kuu qabo.wey fiican tahay inaad ogaato in qof uu niyada kugu hayo,kana welwelsan in uu ku waayo.

Qof ku jecel ayaa kuu maseyra! Maseyrka yar waa caafimaad laakin hadii uu xad dhaafo waa sun ku dili karta ee ka fogow.
Haweenku markey maseyrku ka sheekeynaayaan waxyaabo badan oo la yaab kugu noqda ayaa dhagahaagu soo jiita ama aad isleedahay tolow maxey sidaas ula jeedaan,shaki kuma jirin in maseyrku yahay cudur maskaxda ku dhacay qalbigna ku qarxa iyo caloosha oo ku hurdana sambabaha ,haseyeeshee dadbaa u arka in maseyrku uu yahay loo baahane oo qofka aanan kuu maseyreyna uusan ku jecleyn, haseyeeshee ma’ahan in la fududeysto.

Fikrada ah in haweenka ninkooda naag kale la wadaagto waxey ku ridaa dumarka kalsooni daro iyadoo laga yaabo in ay markaasi bedesho dhaqankeedii hore lana soo baxdo xeelado cusub oo wejiyo badan leh,haddii ay shalay daacad kuu aheyd maanta waxaa macquul ah in ay ka fekerto wixii iyada dan ugu jiro oo keliya waaba hadaaney furiin kaa dalbanine.
Maseyrka haweenka ku dhaca waa wejiyo badan yahay qeybo badan ayuuna u kala baxaa marka haweeneyda ninkeeda uu naag kale damco waa dareen dhiilo wata hadana waa tartan dadban haweenka qaarkood waxa ayy ku mashquulaan in ay daryeel dheeri ah u muujiyaan ninkooda, sida iyadoo ku dadaasha cunadiisa,dhankiisa iyo waxwalba oo isaga ku saabsan iyadoo muujineysa in ay tahay tan aadka ugu fiican ee ku haboon waxa ayna ka duuleysa in qof aan ayada aheyn farxad siin karin.

Qaar baa ku mashquula keliya naftooda oo bilaaba 24 saac in ay habeysnaato,wax ka bedesha habka lebiskeeda iyo muuqaalkeeda iyadoo isku muujineysa in loo arko in ay ka qurux badan tahay qofta kale ee hawada soo gashay.
Qaarbaa la yimaado xeelado dagaal ah oo nabadii oo dhan ka guurto holaca qalbigeeda ka shidana banaanka soo dhigta waxaana maseyrka nuucaan ah haweenka xaafadaha u yaqaanaan BUDWEYNE. wax ay qoftaasi dagaal ku kicisaa ninkeeda iyo naagta ka xaday qalbigiisaba, maseyrka nuucan ahna wuxuu reebaa dhibaatooyin aad u waaweyn oo laga yaabo in ay nafteeda iyo nafaha ku xeeran u geysan kara .
Rag iyo dumarba marka loo fiiriyo qofna kuma qanci karo waxa uu isaga shaqsi ahaan u leeyahay in lala wadaago,inkastoo ay jiraan rag jecel naago badsiga hadana adigu makula tahay gabar yahey hadii uu ninkaagu qanacsan yahay inuu wax kale raadin lahaa? ma isleedahay waad dabooshay baahiyaha ninkaagu uu qabo oo dhan?
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada