Sheeko Qosol Bdan: nin bakhiil ahaa ayaa god ku dhacay balse bakiil nimadaa ayaa gaar siisay in godkii laga saari waayo layaab

Sheeko Qosol Bdan: nin bakhiil ahaa ayaa god ku dhacay balse bakiil nimadaa ayaa gaar siisay in godkii laga saari waayo layaab

daajis.com:-Nin bakhiih ahaa oo magaalada dhan ka caan baxay ayaa maalin maalmaha ka mid wax uu ku dhacay god aad u weyn, waxa uuna u baahday bad baado in dadku u fidiyaan, balse waxaa adkaatay in la bad baadiyo maxaa yeelay bakhiilkan ayaa lagu kari waayay in la bad baadiyo.

Dhamaan dadkii deriska ahaa ayaa ka quustay in godka laga soo saaro, markii danbe ayaase waxaa yimid nin dadka deegaanka ka mid ahaa oo si wacan u yaqiinay ninkaan iyo bakhiil nimadiisa.

Ninkii markii uu meesha yimid ayuu dadkii weydiiyay maxaa meesha ka jira?
Waxa ayna ugu jawaabeen hebel ayaa godkaas ku dhacay, maanta oo dhanna waxaan ka kari weynay gacantaada noo dhiib si aan kuu bad baadino.

Ninkii ayaa durbadiiba fahmay meesha xaaladu ka qurunsan tahay, waxa uuna u tegay ninkii godka ku dhacay ee bakhiilka ahaa waxa uuna ku yiri:

Walaal hoo gacanteyda qabso si aan kaaga soo saaro godka, Bakhiilkii ayaana sidaas kusoo baxay.

Ninka bakhiil ka ah ayaa moodaya gacanta loo taagaayaba in wax looga rabo sidaas u diidanaa inuu gacanta soo taagto. kkkkkkk
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada