War Deg Deg Ah Abuu Mansuur Al –imriki oo sheegay in uu halis ku jiro Gurigiisana lagu hareereesan yahay

War Deg Deg Ah Abuu Mansuur Al –imriki oo sheegay in uu halis ku jiro Gurigiisana lagu hareereesan yahay

daajis.com:-Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Imriki oo asal ahaan kasoo Jeeda Dalka Mareykanka ayaa Qoraal uu soo dhigay Bogiisa Twitterka waxa uu ku sheegay in xiligan uu ku jiro xaalad halis ah eena Qatar ku jirto Noloshiisa .

Abuu Mansuur ayaa Qoraalkiisa ku sheegay in Hoyga uu dagan yahay Kooxo Hubeesan ee ku hareereesan yihiin ayna Ridayaan Rasaas , Xiligana uu dareemayo cabsi aad u xoogan Noloshiisana ee Qatar badan ku jirto.

Ma sheegin Abuu Mansuur Al-Imriki halka uu kusugan yahay hasa ahaatee waxaa la rumeesan yahay in uu joogo Deegaano kamid ah Gobolada Baay iyo Bakool oo maalmo kahor Dagaal dhaawac fudud kasoo gaaray Abuu Mansuur uu ku dhax maray Ciidamo isaga daacad u ah iyo Ciidamo kale oo katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Hareeyay Abuu Mansuur ayaa la rumeesan yahay in ee yihiin Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo qilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Ninkan Ajnabiga ah oo Al-Shabaab mudo sanado ah ka dhinac dagaalmayay balse mudooyinkii dambe uu qilaaf soo kala dhax galay.

Abuu Mansuur Al-Imriki ayaa marar kala duwan Fariimo uu soo diray waxa uu ku sheegay in uu Qilaaf kala dhaxeeyo Hogaanka sare Al-Shabaab uuna Halis ugu jiro in la dilo , Shabaab ayaa dhankooda horey u sheegay in Abuu Mansuur uusan afkooda ku hadli Karin wax xil ahna uu Kooxda ka dhax hayana aysan jirin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada