Faalo: Meelaha Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Real Madrid Iyo Borussia Dortmund Kulanka Caawa.

Faalo: Meelaha Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Real Madrid Iyo Borussia Dortmund Kulanka Caawa.

daajis.com:-Ka dib markii ay si cajiib ah 4-1 ugu soo badiyeen gurigooda isbuucii hore kooxda Jurgen Klopp ee Borussia Dortmund waxa ay hal lug kula jirtaa finalka Champions League ka hor lugta labaad ee caawa martida loo yahay Real Madrid.

Laakiin kooxda Jose Mourinho ee Real Madrid dagaal la’aan kama bixi doonto garoonka, waxaana ay indhaha ku hayaan inay aarsadaan, waxaana halkaan ku eegeynaa halka lagu kala badin karo kulanka caawa.
VARANE v ROBERT LEWANDOWSKI
Muran kama taagna in Lewandowski uu guul weyn ka gaaray daafacyada Real Madrid kulankii isbuucii hore, iyadoo xiddiga reer Poland uu afar gool ka dhaliyay oo ay ku jirto seddexleey uu dhaliyay qeybtii labaad.
Waa nin macalin ku noqday dhameystirka kubada, laakiin Pepe oo u xilsaarnaa isbuucii hore inuu celiyo ayaa ku guuldareystay inuu madax ka noqdo xeradiisa goolka, waxaana la filayaa inuu caawa kursiga keydka galo oo Sergio Ramos uu ku soo laabto booskiisa hore madaama Arbelao uu ka soo noqonayo ganaax.

Da’ yarka sida aadka ah loo amaanay Rapael Varane ayaana la filayaa inuu caawa isku xil saaro inuu aamusiyo Lewandowski si ay kooxdiisa fursad ugu hesho finalka, laakiin isna hadii uu sidii Pepe oo kale u guuldareysto waa fursad uu ka faa’ideysan doono xiddiga reer Poland.
XABI ALONSO v MARIO GOTZE
Klopp ayaa hore uga hadlay muhiimada ay leedahay in Alonso la celiyo marka Real la wajahayo, Gotze ayaana ah qofka shaqadaas ay u xil saareen kooxda Jarmalka.
Dhaqdhaqaaqa Gotze iyo awooda uu u leeyahay inuu kala dhantaalo daafaca ayaa ka dhigtay in Alonso uu daafaca caawiyo in ka badan intii uu u bartay, waxaana ay taasi ka mashquulineysaa inuu caawiyo sida caadada aheyd weerarka kooxda iyo inuu habeeyo kubadihiisa halista ah ee dhaadheer.
Iyagoo raadinaya guul 3-0 ah, Alonso waxa uu u baahnaan doonaa inuu diirada saaro ciyaartiisa lagu yaqiinay kaliya, oo mas’uuliyada Gotze uu isaga wareejiyo meel kale.
CRISTIANO RONALDO v MATS HUMMELS
Hadii ay jirto cid Real Madrid ku hogaamin karta inay natiijada kulankii lugta hore dhanka kale u rogaan waa ninka dhaliyay 51 gool 50 kulan uu saftay tartamada oo dhan Cristiano Ronaldo.
Ronaldo waxa uu awoodaa inuu qalqal iyo cabsi geliyo kooxda ka soo horjeeda marka ay ciyaarta u saaran tahay, waxaana uu awoodaa inuu sameeyo wax walba oo la qiyaasi karo marka la soo dhaafo goobada dhexe ee garoonka.
Hummels qalad ayuu ku lahaa goolkii uu dhaliyay Ronaldo lugtii hore, laakiin marka uu taagan yahay meeshiisa ugu fiican waxa uu kooxda ku biiriyaa awood jir ahaaneed, waana daafaca ugu dhameystiran ee ay Dortmund ku tashan karto.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada