Burcad Badeed qarka u saaran in ay ku dagaalaan malaayiin Doolar oo ay madax furasho u heleen iyaga oo wali gacanta ku haya mawaadiniin ay qafaasheen.

Burcad Badeed qarka u saaran in ay ku dagaalaan malaayiin Doolar oo ay madax furasho u heleen iyaga oo wali gacanta ku haya mawaadiniin ay qafaasheen.

daajis.com:-Wararka laga helayo gobalka Mudug gaar ahaan duleedka magaalada Gaal-kacyo ayaa waxa ay sheegayaan in Burcad badeed Soomaaliyeed oo qaatay lacag lix milyan oo doolar ah ay ka dhex taagantahay xasarad aad u balaaran.

Burcadda Badda ayaa lacagta intaa la’eg waxa ay ka qaateen mawaadiniin Denmark u dhalaty oo ay waayihii danbe heesteen iyada oo ay u keentay diyaarad Helakobtor ah.

Lacagta markii loo keenay ayaa la sheegay in Burcadu isku qabteen qeybsigeeda iyada oo qarkood ay isku dayeen in ay sed buursadaan arintaas oo dhalisay in mawaadiniintii laga doonayay in ay wareejiyaan ay ku fara adeygaan.

Arintaan oo mucjiso noqotay ayaa waxa ay waji gabax ku tahay dowlada Denmark oo lacag badan ay ka baxday mawaadiniintoodiina wali la heesto.

Waa markii ugu horeysay ee Burcad badeed ay lacag qaadato kadibna ay diido in ay wareejiso dadkii ay madax furashada ka qaateen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada