Mareykanka oo saanadii u horeysay oo milateri ugu deeqaya dowladda Soomaaliya

Mareykanka oo saanadii u horeysay oo milateri ugu deeqaya dowladda Soomaaliya

daajis.com:-Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in saanad ciidan ay siinayaan dowladda Soomaaliya, si ay ugu xoojiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jira Xoogaga Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.
Saanadan milateri ee Mareykanka siinayo dowladda Soomaaliya ayaa noqoneysa tii u horeysay, tan iyo markii bishii hore Golaha Ammaanka uu ka qaaday cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya, taasoo muddo sanad la qafiifiyay.
Qoraal uu Madaxweynaha Mareykanka u diray Xoghayaha Arrimaha dibada Mareykanka John Kerry ayuu ku sheegay inuu go’aansaday in saanad ciidan loo diro soomaaliya, si ciidamada dowladda ay awood ugu yeeshaan la dagaalanka Shabaab.
Afhayeenad u hadashay Golaha Ammaanka qaranka Mareykanka oo lagu magacaabo Caitlin Hayden ayaa sheegtay in arrintan ay calaamad u tahay sidii ciidamada dowladda ay dalkooda u difaacan lahaayeen, ayna noqdaan ciidan tayo leh.
Xukuumada Washington ayaa kol hore aqoonsaday dowladda Soomaaliya, waxaana dowladda ay dooneysaa inay ammaanka dalka hanato, ayna dhisto ciidamada qalabka sida si ay dalka oo dhan uga saaraan Shabaab.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada