Mario Balotelli: Hadii Real Madrid Ay Gaarto Finalka UCL Waxaan Ciyaartoydooda Ku Wareejin Doonaa Saaxiibteey.

Mario Balotelli: Hadii Real Madrid Ay Gaarto Finalka UCL Waxaan Ciyaartoydooda Ku Wareejin Doonaa Saaxiibteey.

daajis.com:-Ciyaaryahan Mario Balotelli ayaa lagu soo waramayaa inuu sameeyay hadal la yaab leh isagoo sharad u dhigtay saaxiibtiisa reer Belgium ee model-ka ah Fanny Neguesha hadii Real Madrid ay garaacdo Real Madrid oo ay gaarto finalka Champions League.


Weeraryahankii hore ee Manchester City ayaa la leeyahay waxa uu kalsooni aad ah ku qabaa in Dortmund ay u soo bixi doonto finalka Champions League, waxaana uu sheegtay inuu u ogolaan doono ciyaartoyda kooxda Real Madrid inay la seexdaan saaxiibtiis hadii ay soo gaaraan finalka Wembley.
Wargeysyada Isbaanish-ka ee AS iyo Marca ayaa qoraya Balotelli oo dhahaya: “Hadii Real Madrid ay ka badiso Dortmund oo ay gaarto finalka Champions League ee Wembley, waxaan u ogolaan doonaa inay ciyaartoyda la seexdaan saaxiibteey!”
Kooxda reer Spain ayaa lugtii hore ee semi-finalka looga badiyay 4-1, iyadoo habeen danbe ay lugta labaad ka dhici doonto Santiago Bernabeu.
Ciyaaryahankii hore ee Manchester City ayaa la socday Neguesha tan iyo dhamaadkii sannadkii hore.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada