R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Shaaciyay in Qandaraas lagu soo qaatay Kufsiga Haweenka iyo Dilalka Wariyaasha Soomaaliyeed

R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Shaaciyay in Qandaraas lagu soo qaatay Kufsiga Haweenka iyo Dilalka Wariyaasha Soomaaliyeed

daajis.com:-R/Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi, ayaa waxa uu sheegay in kufsiga xad dhaafka ah ee Soomaaliya ka jira uu yahay qandaraas qola ay soo qaadatay oo qarash badana ay ka helaan ayna suuragal aheyn in uu istaago ilaa qolyaha qandaraaska wata baaritaan lagu sameynayo oo cadaalada la hor keenayo.

Geedi ayaa hadalkaan ka jeediyay kulan looga hadlayay xuquuqda Aadana, isaga oo dhanka kala sheegay in dilalka wariyaasha Soomaaliyeed lagu hayana uu yahay mid la xariira isla arintaasi kufsiga.

Waxa uu iftiimiyay in qolyaha qandaraaska soo qaatay oo diidaya in arintooda fashil ku yimaado ay aamusinayaan wariyaasha si aysan uga hadlin kufsiga haweenka Soomaaliyeed lagu hayo.

Si kastaba, macada in xariir ka dhexeeyo kufsiga waayihii danbe tusbaxa go’ay ka noqday Soomaaliya iyo beegsiga wariyaasha Soomaaliyeed hasa yeeshee waxaa marag madoonta ah labaduba in ay yihiin caqabad xajmigeedu weynyahay oo dalka ku soo korortay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada