Daawo Sawirada Paratacolka Madaxweynaha oo lagu dhaliilay in ay ogolaadeen qalad madaxweynaha uu ku dhacay.

Daawo Sawirada Paratacolka Madaxweynaha oo lagu dhaliilay in ay ogolaadeen qalad madaxweynaha uu ku dhacay.

daajis.com:-C/llaahi Sheekh Xasan oo ah Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada Soomaaliya ayaa si xooggan u dhaliilay Baratakoolka madaxtooyada Soomaaliya uu ku sheegay qola aan waxba ka qoon siyaasada iyo howlaha laxariira.

Waxa uu sheegay in qaabka madaxweynaha Soomaaliya uu Garowe u gula kulmay Madaxweynaha Puntland oo aheyd mid qalad ah ay masuuliyadeeda qaadayaan qolada Bartakoolka qaabishan oo iyaga laga doonayay in ay arintaasi saxaan.

“Shalay Garoowe Madaxweynaha Soomaaliya waa ku fashilmay, Sidii isaga oo dal shisheeye booqanaya ayaa calanka Soomaaliya calan kale la garab suray, waxaas qararinamada Soomaaliya ayeey wax u dhimayaan, Waxaana masuul ka ah qaladkaasi dhacay qolada Baratakoolka madaxtooyada oo wax ka qaban waayay, Waxaana u maleynayaa in ay aqoon daro ka tahay”.Ayuu yiri C/laahi Sheekh Xasan.

“Qoladaan maamulka dalka hesya siyaasiyiin maaha Maba kala garanayaan qaladka iyo saxda,Somaliland ayaa laga diiday in ya calan kale qaadato marka ay madaxda Soomaalida la joogto sidee Faroole u qaadan karaa calan aan kan Soomaaliya aheyn isaga oo madaxdii qaranka la fadhiya?”, Cabdullahi SHeekh Xassan ayaa isweydiiyay.

Shalay ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo Faroole waxaa laga soo qaaday sawirro lamid ah laba madaxweyne oo laba dal kala maamsuha oo shir isugu timid.

Halkaan ka daawo sawirka laga soo qaaday madaxweynaha Soomaaliya iyo faroole iyo sawir kale oo laga soo qaaday Gudoomiyaha baarlamaanka oo Turkiga ku sugan lana jooga masuuliyiin Turkiyiin ah oo is bar bar dhig waxa ay kala duwanyihiin.


Jawaari waxaa dhinac suran calanka Soomaaliya taas oo muujineysa in uu Soomaaliya metelayo madaxweynahana waxaa dhinac suran calanka Soomaaliya miyuu isna Soomaaliya meletelayaa faroolana dal kale?
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada