Faroole oo qirtay in uu ka haray Ragii Road-map-ka xilli lagu eedeynayay in uu xilkiisa xoog ku heesto ee uu dhamaaday xilligiisii sharciga.

Faroole oo qirtay in uu ka haray Ragii Road-map-ka xilli lagu eedeynayay in uu xilkiisa xoog ku heesto ee uu dhamaaday xilligiisii sharciga.

daajis.com:-Cabdi Raxmaan Faroole, madaxweynaha maamulka Puntiland ayaa maanta madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ugu faanay in uu kaligii ka taaganyahay ragii saxiixay heshiiskii Road-map-ka maadaama ragii isku waqtiga ahaayeen ay masraxa hogaanka siyaasada isaga bexeen.


Ragii Roa-map-ka saxiixay ayaa waxaa kamid ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxnihii Hore, Cabdi Weli Gaas, R/wasaarihii hore, Shariif Xassan Sheekh Aadan, gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka, Caalin, Madaxweynihii hore ee Gal-mudug, Cabdulqaadir Macalim Nuur oo Ah-lusunna ka socday, iyo Cabdi Raxmaan Faroole, Madaxweynaha maamulka Puntiland.

Marka laga reebo Faroole shanta kale kama muuqdaan maanta hardanka siyaasada dalka waxaana dhamaan saacidi waayay waqtiga.

Cabdi Raxmaan faroole ayaa sida uu qiray waxa uu isagu yahay ninka kaliya ee xil heesta ee ragaasi kamid ahaa, waxaana marag madoonta ah in uu isaguna weyn lahaa xilkiisa hasa yeeshee uu ku heesto qora caaradii kadib markii uu kororsaday sanad dheeraad ah hadana uu wali doonayo in uu sii heesto hogaanka maamulka Puntiland.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada