Masuul sare oo katirsanaa Maamulka Puntland oo caawa la dilay Xili uu kasoo baxay Masjid uu Salaada kusoo dukaday

Masuul sare oo katirsanaa Maamulka Puntland oo caawa la dilay Xili uu kasoo baxay Masjid uu Salaada kusoo dukaday

daajis.com:-Kooxo Hubeesan aan heebtooda la garay ayaa caawa Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo uu ka arimiyaan Maamulka Puntland waxa ee ku dileen Masuul katirsanaa Maamulkaasi.

Col.Axmed Maxamed Axmed (Dhega-wayne) oo ahaa isku duwaha wasaarada amniga Puntland ee gobolka Mudug ayaa Kooxahan Hubeesan waxa ee toogteen Salaadii Maqrib kadib xiligaa oo la sheegay in uu kasoo baxay Masjid uu Salaada Maqrib kusoo dukaday.

Kooxaha Dilka geestay ayaana durna goobta ka baxsaday iyadoona Daqiiqado kadib Ciidamada Amaanka Puntland goobtaasi soo gaareen kana qaadeen Meydka Masuulka la dilay .

Ma jiro cid sheegatay Dilka Col.Axmed Maxamed Axmed (Dhega-wayne) oo kamid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidanka Soomaaliya xiligana la shaqeenayya Maamulka uu Hogaamiyo C/Raxmaan Faroole.

Dilalka qorsheesan ee loo geesto Masuuliyiinta Maamulka Puntland iyo dadka wax galka ah ayaa mudooyinkii dambe ku yaraa Magaalada Gaalkacyo, Dilkan Caawa loo geestay Masuulkan katirsan Puntland ayaana abuuray cabsi hjor leh.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada