Maxay Ka Yiraahdeen Ciyaartoyda Iyo Tababarayaasha Kulankii Ay Borrusia Dortmund Ka Badisay Real Madrid.

Maxay Ka Yiraahdeen Ciyaartoyda Iyo Tababarayaasha Kulankii Ay Borrusia Dortmund Ka Badisay Real Madrid.

daajis.com:-Ka dib markii Borussia Dortmund ay 4-1 kaga badisay lugta hore ee semi-finalka Champions League kooxda Real Madrid ciyaartii ka dhacday Iduna Park, waxaa ciyaarta ka dib hadalo kala duwan ka dhiibtay ciyaartoyda labada kooxood.

Sergio Ramos ayaa u sheegay website-ka UEFA:

“Waa ay adkaan doontaa lugta labaad ee gurigeena, laakiin waan inaan kalsooni lahaanaa, oo aan ka jawaab celino.

“Markii isku aadka semi-finalka la sameynayay, dad badan waxa ay ku fekerayeen inuu kulankaan inoo fudud yahay, laakiin waa koox Jarmal ah waxa aan ka hadleyno, waa koox weyn.”

Tababare Jose Mourinho ayaa isna yiri:

” Kooxdii fiicneyd ayaa badisay. Shaqsi ahaan iyo wadajir ahaanba Dortmund ayaa fiicneyd, waana ay u qalmeen guusha.

“Waa nagu adkeyd inaan kubada heysano marka ay cadaadis ina saarayeen. Waxaan qabaa in dhaaman ciyaartoydeyda ay dadaaleen.

“Waan naqanaa wax walba oo ay yihiin iyaga iyo Lewandowski, laakiin waxaan siinay seddex ka mid ah goolashiisa taasoo ah wax aan fiicneyn.”

Agaasimaha Real Madrid Emilio Butragueno ayaa isna ciyaarta ka dib yiri:

“Waxaan ka horimaanay koox qeyrul caadi ah. Aad ayay ugu fiicnaayeen inay weerar qaadaan.

“Waa natiijo xun laakiin weli tartanka nagama soo dhamaan. Talaadada taageerayaasha ayaa door weyn ciyaari kara.”



Tababare Jurgen Klopp ayaa isna u sheegay Uefa.com ciyaarta ka dib:

“Arinta kaliya ee natiijadan ka xun ayaa ah inay aheyd kaliya lugta hore, oo weli aan u baahanahay inaan Madrid ku ciyaarno lugta labaad.

“Dhamaanteen waan ka warqabnaa in kulanka Madrid uusan sahlaneyn. Qeybtii labaad si fiican ayaan u kacnay, waxaana sameynay kaliya qaladaad yaryar.”

Ciyaaryahankii afarta gool dhaliyay Lewandowski ayaa isna yiri:

“Waan ku faraxsanahay inaan dhaliyo afar gool, laakiin sawir weyn ayaa ah inaan gaarno finalka. Aad ayaan ugu maqsuudsanahay natiijadan.”

Gündoğan ayaa isna ku darsaday:

“Inaan shabaqa ilaashano ayaa ka sii fiicnaan laheyd, laakiin habeen wanaagsan ayay inoo tahay, waxa ay aheyd qaab ciyaareed fiican min bilow ilaa iyo dhamaad.”

Agaasimaha kooxda Dortmund Michael Zorc  ayaa isna UEFA .com u sheegay:

“Waxa ay aheyd qaab ciyaareed fantastik ah, waxaana ay aheyd natiijo weyn.

“Madrid waxa ay awoodaa inay goolal ku dhaliso garoonkeeda, sidaasi darteed waa inaan ahaano kuwa soo jeeda.”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada