Lewandowski Oo Hal Lug U Geliyay Finalka UCL Dortmund Ka Dib Markii Iduna Park Ku Xasuuqeen Real Madrid.

Lewandowski Oo Hal Lug U Geliyay Finalka UCL Dortmund Ka Dib Markii Iduna Park Ku Xasuuqeen Real Madrid.




daajis.com:-Afar gool uu dhaliyay xiddiga reer Poland Robert Lwendowski ayaa ka saaciday kooxda Borussia Dortmund inay 4-1 ku xaqaan kooxda Real Madrid oo marti ugu aheyd Iduna Park lugta hore ee semi-finalka Champions League, iyadoo natiijadan ay ka saacideyso inay hal lug la sii galaan finalka Champions League.

Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay Dortmund daqiiqadii 6aad ee ciyaarta markii Reus uu bartamaha garoonka soo qaaday kubad ka soo baxsatay Khedira, isagoo goolka la soo galay islamarkaan darbadii uu goolka uu ku abaaray waxaa ka bixiyay goolhaye Lopez, laakiin Lewandowski oo u furnaa inuu shabaq faaruq ah kubada ku taabto ayaa ka soo daahay oo fursadii ay halkaas ku dhuntay.

Laakiin labo daqiiqo ka dib Dortmund oo si wacan ku bilaabatay ciyaarta ayaana hogaanka u qabatay ciyaarta markii karoos uu soo dhigay Mario Gotze uu shabaqa ku taabtay gooldhaliyahooda Lewandowski.
Gotze oo keenay karoos fantastiga ah ayaana ah ciyaaryahanka labaad ee xilli ciyaareedkan ugu caawinta badan Champions League isagoo caawiye ka ahaa shan gool, halka Zlatan Ibrahimovic uu ka horeeyo kaiya (7).

Daqiiqadii 24aad ayaana Ronaldo uu ku dhawaaday inuu u barbareeyo Real Madrid ka dib markii uu helay laadadka xorta ah ee uu halista ku yahay laakiin waxaa si wacan kaga badbaadiyay goolhayaha Dortmund.

Borussia Dortmund ayaana ku andacootay in rigoore loo dhigo daqiiqadii 42aad markii Reus uu ku dhex dhacay diilinta ganaaxa Madrid ka dib markii Varane ay kubad ku xafiiltameen, laakiin garsooraha reer Holland ayaa tilmaamay inaysan rigooe aheyn.

Daqiiqad ka dibna Real Madrid ayaa fursad u heshay inay ciyaarta barbareyso markii Mat Hummels uu sameeyay qalad weyn isagoo kubada dhiibtay taasoo uu ka faa’ideystay Gonzalo Higuain oo si deeqsinimo ah kubad ugu dhigay Cristiano Ronaldo kaasoo isna shabaqa ku tiiriyay.



Cristiano Ronaldo ayaa goolkaan uu u ahaa goolkiisii 6aad ee uu ka dhaliyo semi-finalka Champions League isagoo garaacay rikoorkii shanta gool ee Alessandro Del Piero iyo Jari Litmanen.

Sidoo kale goolkaan waa goolkiisii 50aad ee uu ka dhaliyay tartanka rasmiga ee Champions League oo ka baxsan goolasha isreebreebka, waxaana uu ku biiray Raul, Lionel Messi, Ruud van Nistelrooy iyo Thiery Henry oo 50 gool iyo wax ka badan dhaliyay tartankaan.

Waxaana goolkaan barbaraha ah uu sidoo kale u yahay goolkiisii 12aad ee uu xilli ciyaareedkan ka dhaliyo Champions League, rikoorka goolasha ugu badan hal xilli ciyaareed waxaa 14 gool ku haya Messi oo dhigay xilli ciyaareedkii hore.



Cristiano Ronaldo ayaana shabaqa soo taabtay kulankii lixaad ee isku xiga ee Champions League, waana rikoor isaga iyo xiddiga Turkiga Burak Yilmaz ay isla wada hayaan.

Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay barbaro 1-1 ah ka dib ciyaar isku dheelitiran oo ay labada kooxood ciyaareen.






















Qeybtii labaad ayaa kooxda martida loo yahay ay ku soo gashay si dardar leh waxaana ay hogaanka ku soo laabteen daqiiqadii 50aad ee ciyaarta markii Reus uu kubad qatar ah u dhex bixiyay Lewandowski kaasoo isna hubsaday inuu kubada dabamariyo goolhaye Diego Lopez, Real Madrid ayaa ku dooday inuu offside ahaa, laakiin ku celiskii la daawaday ayaa muujinaya inuusan offside aheyn xiddiga reer Poland markii uu kubada helayay.

Waxaana ay taasi ka dhigtay in Dortmund ay hogaanka ku qabato 2-1 shan daqiiqo ka dib markii la isku soo laabtay qeybtii labaad, iyadoo garoonka Signal Iduna Park uu hal mar islawada kacay, laakiin Dortmund iyo Lewandowski halkaas kuma joogsan, waxana weeraryahanka halista ah uu dhameystirtay seddexleydiisa daqiiqadii 55aad ee ciyaarta.

Schmelze ayaa karoos fiican ka keenay dhanka bidix, waxaa lugta la helay xiddiga reer Poland kaasoo kubada ka leexsaday ciyaaryahankii raacayay ka hor inta uusan si fantastik ah oo cajiib ah shabaqa u dhex dhigin, waxaana ay ciyaarta ka dhigtay in Dortmund ay 3-1 ku hogaamiso.

Lewandowski ayaana noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee seddexleey ka dhaliya intii tartankaan loo bixiyay Champions League kooxda Real Madrid.



Laakiin shaqada Lewandowski halkaas kuma dhamaan weli, waxaana Dortmund ay heshay rigoore daqiiqadii 66aad markii Xabi Alonso uu xerada goolka dhexdeeda ku riixay Reus taasoo keentay in garsooraha uu tilmaamo gool ku laad. Lewandowski ayaana u soo joogsaday oo si habsami leh gool ugu sarifay.

Waa goolkiisii afaraad ee ciyaarta iyo goolkii afaraad ee Dortmund oo ciyaarta ku hogaamineysay 4-1. 4 – Robert Lewandowski ayaa ah ciyaaryahankii ugu horeeyay ee afar gool ka dhaliya Champions League tan iyo markii Mario Gomez uu afar gool ka dhaliyay FC Basel xilli ciyaareedkii hore.

Khedira ayaa fursa fiican helay daqiiqadii 75aad ee ciyaarta uu gool ugu soo celin karo Real Madrid laakiin waxaa ka badbaadiyay goolhayaha Dortmund oo lugaha kaga bixiyay.

Daqiiqadii 77aad ayaana goolhaye Diego Lopez uu kubad gantaal ah oo ka timid Lewandowski uu ka badbaadiyay kaasoo ku dhawaaday inuu helo goolkiisii shanaad.

Dhamaadkii ciyaarta ayaana fursad halis aheyd uu kabtanka iyo goolhayaha Dortmund ka badbaadiyay Cristiano Ronaldo, waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay 4-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Borussia Dortmund oo ah kooxda kaliya ee aan wali dhinaceeda dhulka la dhigin xilli ciyaareedkan Champions League.

Waxaana ay isbuuca soo socda u safrayaan Santiago Bernabeu iyagoo hal lug kula jira finalka Champions League ee ka dhacaya Wembley bisha soo socota.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada