Line-upka Rasmiga Ah Ee Borussia Dortmund v Real Madrid: Luka Modric Iyo Mario Gotze Oo Ku Soo Bilowday.

Line-upka Rasmiga Ah Ee Borussia Dortmund v Real Madrid: Luka Modric Iyo Mario Gotze Oo Ku Soo Bilowday.

daajis.com:-Sida la filayay oo uu sii shaaciyay tababare Jose Mourinho, Sergio Ramos ayaa ka ciyaari doona daafac midig madaama ganaax uu ku maqan yahay Alvaro Arbeloa halka ay daafac dhexe kawada ciyaari doonaan Pepe iyo Varane, waxaana daafac bidix ka ciyaaraya Fabio Coentrao.

Iyadoo bedelka kaliya ee ka muuqda line-upkii shalay uu sii shaaciyay ay tahay Angel Di Maria oo aan ku soo bilaaban madaama tababare Mourinho uu shalay sheegay in gabar loo dhalay islamarkaana maskax ahaan laga yaabo inuusan xaadir aheyn, waxaana booskiisa buuxinaya Modric.
Sida caadiga ah booska burburiyaha Madrid waxaa isku wehlin doona Xabi Alonso iyo Sami Khedira, halka Modric, Mesut Ozil iyo Ronaldo ay caawin doonaan gooldhaliyaha kooxda Gonzalo Higuain.
Dhanka kale tababare Jurgen Klopp ayaa ku soo bilaabay Mario Gotze inkastoo uu shaaciyay xilli xun inuu ku biirayo Madrid xilli ciyaareedka soo socda taasoo keentay inay aad u caroodaan taageerayaasha Dortmund oo qaarkood gubay maaliyadiisa.
Waxaana tababaraha Jarmalka uu ku soo shirtagay line-upkii la filayay, iyadoo Lewandowski uu hogaaminayo weerarkiisa.
Real Madrid: Diego Lopez; Sergio Ramos, Pepe, Raphael Varane, Coentrao; Xabi Alonso, Sami Khedira; Modric, Ozil, Ronaldo; Gonzalo Higuain.
Borussia Dortmund: Weidenfeller; Piszczek, Subotić, Hummels, Schmelzer; Bender, Gündogan, Błaszczykowski, Götze, Reus; Lewandowski
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada