Qaar kamid ah taageerayaasha Justin Bieber oo muslimay+Video

Qaar kamid ah taageerayaasha Justin Bieber oo muslimay+Video

daajis.com:-Qaarka mid ah taageerayaasha fanaanka da'da yar ee Justin Bieber ayaa la sheegay iney qaateen diinta Islamka si ay u helaan tiketka ay ku geli lahaayen xafladii uu fanaanka ku qabanaayey dalka Norway.

Justin Bieber oo iska diiday cunug ay haweeney sheegtay inuu ka dhalay.
Taageerayaasha Justin Bieber oo isku jiiray xafladiisii Norway.

Warbaahinta ayaa soo bandhigtay muuqaalo cadeynaaya in shan gabdhood oo ka mid ah taageeraasha ay qaateen diinta Islaamka ayagoo sheegay taas bedelkeed iney helaan lacagaha ay ku iibsanaayan tiketka bandhig faneedkii uu ku qabtay Norway.

Gabdhaha ayaa la arkay ayagoo xirtay xijaabka kadib markii ay qirteen iney muslimeen. 

Barnaamijkan ayaa ahaa mid qosol ahaan loo sameeyay oo uu sameeyay TV laga leeyahay Norway si uu ogaado in dhalinyarada wax kasta u sameynayaan tikidka Justin Bieber dartiis maadaama ay aad ay u jecel yihiin.

Halkan Ka Daawo Video-ga


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada