Meydka Col. Xasan Maxamuud Nuur (Shaati-Gaduud) oo goor dhow laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Meydka Col. Xasan Maxamuud Nuur (Shaati-Gaduud) oo goor dhow laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho

daajis.com:-Meydka Allaha u naxariistee Xasan Maxamuud Nuur (Shaati-Gaduud) oo horay u soo noqday Xildhibaan iyo Wasiir ayaa goor dhow laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo salaada Janaasada lagula dukaday.
Meydka Marxuum Shaati-Gaduud oo laga soo duuliyay dalka Jarmalka ayaa lagu wadaa in goor dhow loo duuliyo magaalada Baydhabo, si halkaas loogu aaso.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo dadweyne kale ayaa salaada janaasada kula dukaday, iyadoo lagu wado in wafdi ka socda dowladda oo raacaya meydka ay ka qeyb qaadan doonaan aaska loogu sameynayo magaalada Baydhabo.

Shaati-Gaduud ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, kadib in muddo ah oo uu xanuunsanayay, waxaana uu noqonayaa hogaamiye kooxeedkii u horeeyay oo meydkiisa dalka la keena, si loogu aaso.
Marxuumka ayaa ahaa Hogaamiyihii Jabhada la oran jiray RRA ee Gobolada Bay iyo Bakool, iyadoo lagu tilmaami jiray mid ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii ugu tunka weynaa ee ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle, taasoo uu kaga mid noqday hogaamiye kooxeedyadii soomaalida ee shirkii Eldoret sanadkii 2003-dii.
Dhinaca kale magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda qaban qaabada aaska Meydka Marxuum Shaati-gaduud, waxaana la aad loo adkeeyay ammaanka

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada