Idaacadaha Muqdisho oo Bilaabay Ogeysiisyo layaab leh aan waligood Horey looga baran Mareykankana uu maal galinayo

Idaacadaha Muqdisho oo Bilaabay Ogeysiisyo layaab leh aan waligood Horey looga baran Mareykankana uu maal galinayo

daajis.com:-Qaar kamid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho ka howl gala ayaa maalmahaan waxa ay bilaabeen baahinta Ogeysiis lagu doonayo in lagu helo Abuu Mansuur Al-amriki oo Mareykanku ku doon doonayo lacaga aad u fara badan oo lagudoonsiin doono cid kasta oo nolo iyo geeri ku keenta.

Al-amriki oo dalka Mareykanka looga yaqaanno Cumar Xamaami dalka Soomaaliyana soo galay 2006-dii si uu shabaab uga barbar dagaalamo ayaa waayhaan waxa uu safka hore uga jiray liiska dadka argagaxisada loo aqoonsaday ee Mareykanku malaayiinta doolar uu dul dhigay iyada oo lacagaha lagu doonayo xilligaan lasheegay ay yihiin $5mn.

War-baahinta ayaa waxa ay Ogeysiiska ay ku sheegayaan in shaqsi kasta oo helaa fursada uu ku soo gacan geli karo Al-amriiki uusan iska qasaarin si uu maalin u taajiro, waxaa kale oo idaacaduhu ay baahinayaan in shaqsigaasi baadi goobkiisa intii uu socday dad badan oo Soomaali ah ay dhibaata kasoo gaartay marka si dhibata kale looga fogaado ay haboontahay in durbadiiba lasoo qabto.

Idaacadaha Muqdisho oo in badan ka baqi jiray in ay baahiyaan warar ka dhan ah Shabaab ayaa waxa ay xilligaan ku dhiiranayaan in ay daayaan ogeysiisya lagu baacsanayo xubin fir- fricoon oo Shabaab katiran iyada oo walina qatartii Shabaab aysan meesha kabixin oo falal qaraxyo iyo weerro gaadma ah ay kafulinayaan Muqdisho.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada