Falanqeynta Kulamada Horyaalka Serie A: Fiorentina v AC Milan Iyo Inter Milan v Atalanta.

Falanqeynta Kulamada Horyaalka Serie A: Fiorentina v AC Milan Iyo Inter Milan v Atalanta.

daajis.com:-Kulanka: Fiorentina v AC Milan Garoonka: Stadio Artemio Franchi Garsoore: Tagliavento‎
Waqtiga: 1:30 pm SGA


LINE-UPKA MACQUULKA AH:

FIORENTINA

Viviano
Tomovic, Savic, Compper, Pasqual
Aquilani, Pizarro, Valero
Ljajic, Toni, Cuadrado
AC MILAN

Abbiati
Abate, Mexes, Zapata, De Sciglio
Flamini, Montolivo, Muntari
Boateng, Balotelli, El Shaarawy

Waxa ay u muuqatay wax aan laga fekerin karin ka hor dhamaadkii sannadka hore, laakiin guul ay Fiorentina ka gaaro maanta waxa ay AC Milan u sahleysaa inay sii buukimato booska kaalinta 3aad ee Champions League, islamarkaana ay sii adkeysato booskeeda.
Rossoneri ayaa badisay afartii kulan ee ugu danbeysay ee Serie A waxaana ay afarta kulanba ilaashadeen shabaqa, waana qaab ciyaareed u sahlay inay lix
dhibcood haatan ka sareeyaan kooxda kaalinta 4aad ee Viola, halka ay labo dhibcood u jiraan kooxda kaalinta labaad ee Napoli.
Nigel de Jong ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee ka maqan kooxda Massimiliano Allegri, isagoo weli ka soo kabanaya dhaawac muddo dheer ah.
Si kastaba kooxda martida loo yahay ee Fiorentina ayaase walaac xoogan qabta Matias Fernandez, Ahmed Hegazy, Giuseppe Rossi, Michele Camporese iyo xiddigooda Stevan Jovetic ayaa dhamaantood dhaawacan, halka Gonzalo Rodriguez uu ku maqan yahay ganaax.
Kulanka: Inter v Atalanta
Garoonka: San Siro
Garsoore: Gervasoni‎
Waqtiga: 9:45 pm SGA
LINE-UPKA MACQUULKA AH:


INTER

Handanovic
Ranocchia, Samuel, Juan Jesus
Zanetti, Kovacic, Cambiasso, Pereira
Guarin
Cassano, Rocchi
ATALANTA

Polito
Raimondi, Stendardo, Canini, Grosso
Giorgi, Cigarini, Biondini, Bonaventura
Livaja, Denis

Sida in Diego Milito oo ka maqnaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan inaysan ugu filneyn, Inter ayaa ogaatay isbuucaan in weeraryahankooda Rodrigo Palacio inuu maqnaan doono muddo seddex isbuuc ah ka dib dhaawaca muruqa oo soo gaaray.
Ciyaaryahanka khadka dhexe Dejan Stankovic, kaasoo aan inta badan ciyaarin xilli ciyaareedkan ayaa weli dhaawac ah halka Gaby Mudingayi, Luca Castellazzi iyo Joel Obi ay dhamaatood dhaawacyo muddo dheer ku maqan yihiin.
Tababaraha Inter ayaa si kastaba dib u heli doona Estban Cambiasso kaasoo kulan ganaax ku seegay kulankii Sampdoria, waxaana Walter Samuel oo la nasasiiyay bartamihii isbuucaan uu ku soo laaban doonaa daafaca dhexe.
Weeraryahanka Atalanta Marko Livaja oo amaah kaga soo maqan Inter ayaa dib u heli doona booskiisa weerarka ka dib markii uu kulankii isbuucii hore ee Sampdoria uu ku seegay ganaax. Laakiin daafaca Stefano Lucchini iyo goolhaye Andrea Consigli ayaa ganaax ku maqan, waxaana bedeli doona Michele Canini iyo Ciro Polito sida ay isagu xigaan.
Kulamada kale ee maanta iyo caawa la ciyaarayo waxaa ka mid ah Napoli oo caawa soo dhaweyn doonta Genoa, Cataniga iyo Cagliari oo maanta isku dhegan, Sampdoria oo u balansan Palermo, Seina oo soo dhaweyn doonta Parma iyo Udinese wajihi doonta Chievo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada