Maamulka Degmada Howl Wadaag oo Bilaabay Dhismaha Biyo Mareeno mudo 22-Sano kadib(Daawo Sawirada)

Maamulka Degmada Howl Wadaag oo Bilaabay Dhismaha Biyo Mareeno mudo 22-Sano kadib(Daawo Sawirada)

daajis.com:-Maamulka Degmada Howl Wadaag ee Gobolka Banaadir ayaa bilaabay in ee dhisaan qaar kamid ah Biyo Mareenada mara laamiyada dhinacyadiisa ee ku yaala Degmada Howl Wadaag si aysan halkaasi u noqon Goob ee biyaha fariistaan.

Inta u dhaxeysa Isgoosyada Dabka iyo Bakaaraha gaar ahaan halka loo yaqaan Baar Raaxo ayaa Maamulka Degmada Howl Wadaag waxa ee 22-sano kadib ka bilaabeen in ee dhisaan biyo mareeno laamiga dhinaciisa, si biyaha roobka ugu shubmaan goobo loogu tala galay laamigana eesan u fadhiisan.

Goobta hada dhismaha Biyo mareenada kasocdo ayaa ah goob biyo deg ahaa oo dhib badan ee ku qabeen dadka iyo gaadiidka22-kii sano ee lasoo dhaafay xiliyada ee roobabaka da’aan oo in mudo ah laamiga biyo xiraan uuna jarmo taa oo kalifta in dadka iyo gaadiidka aysan isticmaalin.

Gudoomiyaha Degmada Howl Wadaag Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oon xiliga aan booqanayay halka shaqada kasocoto kula kulanay isaga oo dhankiisa shaqada gacanta kula jira shamiindana qasaya ayaa noo sheegay in Howshan masuuliyadeeda isku xil saareen Maamulka Degmada Howl Wadaag oo kaa shanaya Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkad Dhismo.

Jacfar waxa uu xusay iyo Biyo mareenada ee dhisayaan uu Shub yahay qorshahoodana uu yahay in laamigaasi mar dambe eesan biyo fadhiisan biyahana ee galaan goobtii waagii hore loogu tala galay oo hada la dhisayo wadadii ee u mari lahaayeen .

Maamulka Degmada Howl Waaag ayaa u muuqda midka shaqada ugu badan iyo soo celinta Bilicdii dhuntay ee Magaalada Muqdisho wku hoolan iyagoo ku guuleestay in ee furaan Wadooyin sanado badan xirnaa eena ka dhigaan sida laami oo kale sidoo kale aad u adkeeyay amaanka Degmadaasi ee hada kasocdaan Hor maro aad u baaxad weyn.

Degmada Howl Wadaag ayaa noqoneysa Degmadii ugu horeesay ee sameesa Mashruucyo biyaha Laamiyada fadhiista looga hortagayo bilaawdayna dhisida Biyo Mareenada si Biyaha ugu shubmaan halkii loogu tala galay si Bilicda Degmada u ahaato mid aad u qurux badan xili walbo.
















_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada